Dadka Deegaanka Xarshaw Ee Gobolka Sanaag Oo Cabsi Xooggan Ka Muujiyay Haan Weyn Oo Kasoo Caariday Badda
Ceerigaabo,7Ded,2015(QJ/SDN)-Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya deegaanka Xarshaw oo u dhexeeya Maydh iyo Laasqoray oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay haan weyn oo dahaadhan oo ku soo caariday xeebta.
Qamar Taleex oo ka mida xubnaha golaha deegaanka ee Ceerigaabo ee deegaankaas laga soo doorto ayaa sheegtay in haantan loo malaynayo inay ka mid tahay sunta lagu aaso badaha Soomaalida, iyada oo sheegtay inay cabsi badan ku abuurtay guud ahaan dadka ku nool dhulka xeebaha ah.
Xildhibaan Qamar Taleex ayaa sheegtay in ciidamda qaranka ee baddu ay ilaalo ka hayaan walaxdaasi badda kasoo caariday taas oo looga shakisanyahay inay tahahay sunta badda lagu aaso.
Dhanka kale, Qamar Taleex ayaa sheegtay inay baaq u direen dowladda si wax looga qabto haantan badda kasoo caariday.
‘’Waxa loo malaynayaa in walaxdan ay tahay waxyabaaha badda Somaliland ama soomaaliyaba lagu aaso wakhtiyadan danbe oo aanay dowladd xooggan ka jirin,’’ ayay tidhi xildhibaan Qamar
Qiyaas ahaan haatan ayaa uu dhererkoodu leegyahay mitir iyo dheeraad sida ay sheegtay xildhibaan Qamar.
Ugu danbeyntii, Xildhibaanad Qamar Taleex ayaa sheegtay inay ka werwersanyihiin haantan badda kasoo caariday, iyadoona xustay inay u haystaan sun dadkii lahaaba ay iska soo fogeeyeen taas oo waxyeelo ku keeni karta dadka iyo duunyada deegaankaba.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan maraaakiibta shisheeyaha ah ayaa badaha soomaalida ku daadiya sunta iyo hadhaaga warshadaha kuwaas oo waxyeello badan ku gaysta kalluunka gudaha badda ku nool iyo deegaanada xeebta ka agdhowba.