Amisom oo ka Hadashay inay Ciidamo Gaynayso Magaalada Gaalkacayo ee ay ku dagaalameen Puntland iyo Gal Mudug
Gaalkacayo 07.Dec 2015 (SDN/QJ):-Waxaa soo ifbaxayay maalmihii lasoo dhaafaywarar la xariira in Ciidamo katirsan Amisom la geenayo Magaalada Gaalkacyo ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, Paul Najaguna oo ka hadlay Wararka la xariira in Ciidamo katirsan Midowga AFrika la geenayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Warkaasi uu ka maqlay kaliya Warbaahinta.
Paul Najaguna, ayaa xusay in Ciidamada Amisom la geenayo Magaalada Gaalkacyo hadii ay dalbato Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ku xiran tahay in Ciidamo nabad ilalain ah la geeyo Magaalada Gaalkacyo.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay dalka Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin ayna tagayaan goob kasta ay ka dalbato Dowlada Federaalka Soomaaliya si gacan looga siiyo xasilinta goobahaasi.
Hadalka kasoo baxay Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa imaanaya xili ay soo baxayeen in Ciidamo katirsan Amisom gaar ahaan kuwa kasocda dalka Itoobiya la geenayo Magaalada Gaalkacyo si ay kala dhax galaan Maamulada Puntiland iyo Galmudug oo dhawaan ku dagaalamay Qeybo kamid ah Gaalkacyo.