“Hadaan Soomaaliya Laga Hirgelin Maxkamad Xasuuqa Shacabka Ka Hortagta Ma Joogsanayo Xasuuqu…” Dabjire Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee Soomaaliya
Muqdisho, 07 .Dec 2015 (SDN/QJ):-Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey, ayaa ka dhawaajiyay inuu dadaal u geli doono sidii maxkamada caalamiga ah ee ICC ay xafiis uga furan lahayd Soomaaliya, si loo helo la xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo dadka dambiyada dagaal ka gala Soomaliya.
Afeey oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in haddii hore loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhaca Soomaaliya aanay dhici lahayn in maalin walba shacabka la xasuuqo“Haddii la heli lahaa in maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay si toos ah u fara-geliso Soomaliya, nin dagaal abaabula oo shacabkiisa laaya ma dhici lahayn. Sidoo kale haddaan sida madaxda kale ee Afrika ciqaabta loo mariyo aan loo arrin kuwa Somalia ma joogsanayso in dadka la iska xasuuqo,” ayuu yidhi Afeey.
Sidoo kale, danjire Afeey ayaa xusay inuu aaminsan yahay in haddii hore loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacay Somalia aanay sii socon lahayn dhibaatooyinka mararka qaar soo laabta
Danjire Afeey wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka uu u soo jeediyo wixii hada ka dambeeya in olole xoog leh loo galo in maxkamadda caalamiga ah inay xafiis ka sameysto Soomaaliya, isla markaana baadhitaan joogto ah u samayso, marka ay dhacdo in shacab la xasuuqo, cidii lagu helana markaas maxkamad la soo taago.
Ergayga IGAD ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga bilaabo baadhitaanka dagaalladii magaalada Gaalkacyo ka dhacay, marka shacabka magaalada deggen ay heshiiyaan
Sidoo kale, Danjire Afeey heshiiskii Gaalkacyo iyo sida loo dhaqan-gelin karo, wuxuuna ku jawaabay in loo baahan yahay in dib u heshiisiin qoto-dheer laga dhex sameeyo shacabka, si aanay u soo noqon dhibaato kale“Markii aan tagnay Gaalkacyo waxaan kusoo aragnay ciidamo hubka tayo leh haysta, waxaa is-weydiinay sababta ciidammo ka socda dalalka deriska iyo AMISOM u joogaan Somalia, iyadoo ciidammo iyo hubkaas inta la’eg haysato ay Somalia joogaan… aniga waxaa is leeyahay hubka tayadaas leh waxay ku difaaci karaan dalkooda, Al-shabaab iyo cadawgooda iyagaa ku filan,” ayuu yidhi Afeey.