Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay khilaafka Xisbiyada Qaranka iyo Wakhtiga uu Xilka Guddoomiye Banaynayo DAAWO
Hargaysa, 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii u horaysay ka hadlay khilaafka xisbiyada qaranka.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa uu ku dooday inaanay jirin khilaaf wayn oo xisbiyada soo kala dhex galay islamarkaana kala qaybiya ama ay ku burburaan xisbiyadu.
“Xisbigii (KULMIYE) waxaa uu doortay candidate (Musharaxiin) markaa anigu waxaan ka odhan karaa ma jirto, Xisbiyadu maxay axsaab ka yihiin hadii aan la is qabqabsanayn, mar hadii Hilbo la qaybsanayo oo rag qaybsanayo , raguu inuu isku dhacdhacaa waa wax marwalba dhaca,maantana wax dalka dhaawacaya ma arko ee idina (saxaafada) ka hadha.”ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan oo saxaafadu wax ka waydiisay wakhtiga uu xilka banaynayo iyo inay ku guuldaraysteen inay mideeyaan beelaha dega Somaliland waxaa uu ku jawaabay “Golaha guurtidu waxay meesha u fadhiyaanba waa inay bulshada iyo dawlada wixii ka taagtaagan ee dhibaato ah inay galaan”ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyaha golaha guurtida oo su’aal laga waydiiyay wakhtiga uu xilka ka tagayo waxaa uu yidhi “Hadaan gaadhay (Da’dii aan lagu talinayn) markaa waa la iga qaadi xilka”