|

Jewigii Xalay ay Gaalkacayo ku Seexatay Kadib Dhawr Maalmood oo ay Ku Waa Bariisteen Dhawaqa Hubka Noocyadiisa Kala Duwan.

Gaalkacayo 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xili maalmahaani ay qasneyd xaalada gaalkacyo ayaa waxaa durbadiiba Shalay Galab magaalada laga dareemay jawi degan oo ifafaalo u ah heshiiskii ay maamulada Galmudug iyo Puntland ku wada gaaren Gaalkacyo.

 

Baro kaca GaalkacayoGuud ahaan xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid xasiloon waxaana Shalay dib u furmay wadooyinkii u kala xirnaa ciidamada galmudug iyo Puntland.

 

Deegaanadii laga barakacay ayaa waxaa heshiiskii kadib gaaray Barakacayaal aad u bada kuwaasi oo Xalay u hoyaaday guryihii ay degnaayen oo ay uga carareen rasaastii ay is weydaarsanayeen ciidamada labada maamul.

 

Goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xalay ku shaahaya Odayaal iyo dhalinyaro kuwaasi oo falanqeynaaya Heshiiskii dhacay iyo dagaaladii maalmahaani ka socday magaalada.

 

Dadka qaar ayaa intooda badan qaba in ay u dhalatay maalin wanaagsan oo ay uga baxeen Colaadii dhalisay dhiiga iyo barakaca waxa ayna bilaaben inay u kala socdaalaan goobihii kala xirnaa iyaga oo aan cabsi ka qabin colaad.

 

Masuuliyiinta Dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa sidoo kale xalay si nabad ah ugu hoyaneysa magaalada Gaalkacyo.

 

Masuuliyiintaasi ayaa xalay shirar caadi ah ku qaadaneysa Gaalkacyo, waxaana loo badinayaa in maanta qaarkood ay ka safraan Gaalkacyo si ay dib ugu laabtaan Goobaha ay kasoo kictameen, inkastoo ay wali jirto baahi loo qabo in kulamada lasii ambaqaado.

 

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada ayaa ah mid degan waxaana meesha ka baxay cabsiyihii laga qabay in isku dhac kale uu dhexmaro ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Comments are closed