|

Xukuumadda oo Ururka SOLJA ugu dartay Odoroska Miisaanidda 2016 120 KUN oo Dollar

Hargaysa, 06.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayay xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo miisaaniyadda sannadka 2016-ka ugu dartay 120 kun oo dollar ,kaasi oo ah kaalmo ay ugu talo gashay inay ku kabto ururka suxufiyiinta SOLJA.

 

Miisaaniyadan, ayaan la faahfaahin habka loo isticmalaayo ee loogu talagalay in ay ugu baxdo ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

 

Waa markii ugu horraysay muddo 13 sanno ah kadib ee ururka Suxufiyiintu miisaaniyada qaranka lagu daro, iyadoo dhexdoodana ay jirto khilaaf ka taagan xubnaha Guddida Sare ee SOLJA.

 

Geesta kale, madaxbannaanida ururka SOLJA, ayaa laga dayrinayaa in Miisaaniyada lagu daray ay dhaawacdo, isla markaana ay awood u yeelan wayaan difaacidda xuquuqaha aasaasiga ah ee suxufiyiinta ay codkooda ku joogaan.

Comments are closed