|

Magaaladda Berbera oo laga dhisayo Istaankii ugu horreeyey Baabuurta ee heer Caalami ah iyo Agaasimaha guud ee Daakhiliga oo Booqday

Berbera, 06.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed oo ay weheliyeen Guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo Duqa magaalada Berbera, ayaa Booqday Istaan caalami ah oo laga dhisayo magaaladaas oo loogu talagalay Gaadiidka kala duwan ka baxa Berbera, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalo Somaliland ku taalla laga dhiso.

Istaankan loogu talo-galay noocyada kala duwan ee Gaadiidka magaalooyinka dalka uga kala baxa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo laga dhisayo Xeebta Berbera meel gudaha magaalada wax yar ka baxsan, waxaa hirgelinaya dawladda hooe ee degmada Berbera sida uu sheegay Maayerka Berbera oo dhismahaas iyo ujeeddadiisa iyo sida uu noqon doono warbixin ka siiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha oo Booqasho Shaqo ku tegay magaalada Berbera, halkaasoo ay Agaasimaha iyo Masuuliyiinta kale kormeer ku mareen Khamiistii dorraad.

“Halkan aynu taagannahay waa Istaan ama waa Madaarkii Gaadiidka Baabuurta ah, waxa uu leeyahay afar albaab oo waawayn iyo barxad weyn, Dhir baa lagu beeri doonaa, waxaannu ugu talogalnay inaanu wax gaadhi ah oo Suuqa dhexdiisa laga kirayn karaa jiri Karin sifo sharci. Waa Madaarkii Gaadiidka nooc kasta oo Gaadhi kasta ama Bariis ha qaado ama Caano ha qaado ama Dad ha qaadee waa halkii lagu kiraynayey.” Sidaa waxa yidhi Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo sharraxaad ka bixiyey Istaankaa laga dhisayo Berbera.

Duqa degmada Berbera Md. Cidin oo sii wata sharraxaaddiisa, waxa uu yidhi; “Gaadiidka u kala goosha dalka intiisa kale ayaa halkan loogu talo-galay. Waxa uu Istaankani leeyahay halkii dadku ku nasanayeen oo la dhisi doono, meelihii Kafayga, Xafiisyo ayey yeelanaysaa halkani Tigidhada laga jaro, sida Xafiisyada iyo Wakaaladaha Diyaaraduhu dalka ugu leeyihiin Xafiisyo tigidhada looga jaro, dadweynahana halkan Shaqo ayaa uga abuurmi doonta.”

Sidoo kale, Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Halkani gobollada oo dhan hadday Guddoomiyo gobollo noqdaan iyo hadday Maayerrada magaalooyinka noqdaan, in marka la dhammaystiro dhismahan la keeno oo tusaale ay u noqoto ayaannu rejaynaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

Gebo-gabadii, waxaa isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed, waxaanu aad ugu ammaanay Duqa Berbera iyo Badhasaabka Saaxil dedaal badan oo uu sheegay inay wadaan, isla markaana uu xusay in Hay’adaha caalamiga ahi warbixintooda siiyeen oo ay sidoo kale aad ugu ammaaneen.

Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi; “Tusaale ayuu Mashruucani u yahay gobollada iyo magaalooyinka kale ee Somaliland. Waa Istaan fiican sida ay Maayerka iyo Guddoomuhu-ba sharraxeen, waxaan leeyahay waad ku mahadsantiin. Hawl aad u wanaagsan baa Berbera ka socota, runtii aad baan ula dhacay, Maayerka iyo Guddoomiyaha waxaan leeyahay waad mahadsantiin. Waxay mudan yihiin inay ku daydaan gobollada iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.”

“Intii aan immika joogay saddex toddobaad iyo badh baan magacawnaa, Warbixinno badan baa iiga yimi Berbera oo aad u wanaagsan oo runtii ay ku ammaanayaan Hay’aduhu wax qaabadkooda markaan la shiray toddobaadkii hore, waxaan leeyahay halkaas ka sii wada dedaalkiinna, gobollada iyo degmooyinkana waxaan leeyahay ku dayda Berbera.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed

Comments are closed