Ciidammada Maraykanka oo baadhaya Miino loo dhigay Weriye Hinda Max’ud oo lagu dilay Muqdisho
Muqdisho 06.Dec 2015 (SDN/QJ):- Ciidammada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ayaa ka qeybgelaya baadhitaanada iyo noocyada miino oo adeegsaday dil qorshaysan oo dhawr cisho ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dilkaa oo ku geeryootay weriye ka shaqeyn jirtay Telefishanka Soomaaliya iyo idaacada Radio Muqdisho oo magaceeda la odhan jiray Hindiya Hajji Mohamud, ayey sheegteen Xarakada Al-Shabaab inay ka dambeeyaan, waxaana la sheegay in ciidamada Maraykanku baadhitaan ku hayaan, maadama la sheegayo in nooca miinada loo adeegsaday tahay mid ay haystaan keliya ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Gabadhan weriya ah ayaa hore ninkeeda oo la odhan jiray Liibaan Cali Nuur ugu geeriyooday weerar Al-Shabaab ku qaadeen hudheel ku yaalay Muqdisho sannadkii 2012. Geerida gabadhan weriyaha ayey dhaleeceeyaan dhamaan Suxufiyiinta Soomaalidu, kuna tilmaameen fal gacan ka xaqdaran ku dishay Hinda.