|

Ciidamada Galmudug iyo Puntlandoo la kala qaadey Iyo Xaalada oo Degen

Galkacayo 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Kadib markii maanta madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iswaydaarsadeen casumaado, ayaa wararka magaalada Galkacayo ka imaanayaa sheegayaan in lakala qaadey ciidamadii isku horfadhiyey goobihii dagaalladu ka dhaceen.

gaalkacyoWararka ayaa kusoo warramaya in ciidamada Dowlada Puntland la geeyey halka la yiraahdo Abaarey halka kuwa maamulka Galmudug fariisin looga dhigey Bandiiradley.
Talaabadaan ayaa imaaneysa kadib dadaal balaaran oo nabad radain ah oo ay ka sameeyeen magaalada Galkacayo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, kala rarista ciidamada ayaa timid kadib markii beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey digniin adag u jeedisey madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Britain ayaa lagu sheegey in aan loo dulqaadan doonin dagaal dambe oo ka dhaca magaalada Galkacayo.

Comments are closed