|

“Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran” Boobe Yuusuf Ducaale DAAWO

Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Hadal-haynta Xisbiga WADDANI ee maalmahani waxay u badnayd Barnaamajkii Qabyada ahaa sidii loo qabyo-tiri lahaa annaga oo gude iyo dibadba ku baahinnay oo xataa Xisbiyada kale gaadhsiinnay. Madaxtooyada iyo Xarumaha Xisbiga Kulmiyena hadal-hayntooda maalmahani waxay ahayd in ay ku guulaysteen in ay ey u xidhaan calanka Xisbiga WADDANI. Intaa waxa raacayay halkudhegyadii ay dadka lacagta ugu laabeen ee ahaa: “WADDANI Gebilay ma iman karo iyo wax la mid ah.” ,Waxaa Weedhaas ku balaysimay Shir Saxaafadeed Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

 

Comments are closed