|

Madaxweynayaasha Rwanda, Brundi Iyo Jabuuti Oo Loogu Baaqay Inay Jidka U Banneeyaan Jiilasha Taladda Leh

London 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxda dalalka Rwanda, Brundi iyo Jabuuti ayaa lagu tilmaamay in sadexdooduba ay ku khasbayaan dadkooda inay iska sii fadhiyaan kuraasta, kadib markii ay dhamaysteen teeramyo ay taladda hayeenna, loo bedelay dastuuradda si ay ugu sii negaadaan taladda.

geeleSiday tibaaxday warbixin ay baahisay Guardian Newspaper  Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa mar sadexaad meel marsaday inuu sii hayo taladda dadkaa, isla markaana raad gadashada sii joogistiisa u sibirsaaray codsi dhanka dadka ka yimi, kaasoo lagu tilmaamay mid qaab siyaasadeed loo soo unkay.

Sidoo kale Madaxweynaha Brundi ayaa khilaaf xoog lihi ka dhacay dib u soo laabashadiisa, kadib markuu ku adkaystay inuu sii joogayo taladda oo aanuu ka degayn kursiga, ilaa haddana waxa dalkaa ka taagan dhibaato dhanka nabadgelyada ah, isla markaana waxa dalka ka cararay siyaasiyiin u baqay lafahooda. Dawladda Maraykanka iyo dalalka reer galbeedka ayaa cadaadis xoog leh saaray dalkaa, isla markaana wuxuu la daalaadhacayaa cidhiidhi dhaqaale iyo mid nololeed.

 

“Waad i garanaysaan oo ma ihi nin madaxnimo jacayl hayo, balse markii aan eegay rabitaankiina, markii aan jaleecay xaaladda wadankeenu ku jiro iyo ta gobolku ku jiro, waxaan go,aansaday inaan yeelo sidii aan mar kale u qaban lahaa hogaanka dalka.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Telefishanka dalkaa dadka kala hadlay. Inkasta oo uu sidaa ku tiraabay, misana Madaxweyne Geelle waxay mucaaradkiisu ku tilmaameen nin maray dariiq uu horeba u maray, isla markaana laga hadliyay dadka, si uu ugu qiil sameeyo doonistiisa, balse aanay dhiiban fikir xor ah, kaasoo haday dhiibtaan lagu dhibaataynayo. Dhanka kale waxa habeen hore ka dhacay magaaladda Hargeysa Xaflad la sheegay in jaaliyadda Jabuuti ku hambalyaynaysay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Sadexdan dal iyo dalal kale oo dhawr ahba waxa lagu tilmaamay dalal doorashooyinka ka dhacaa ay yihiin qaar qof keli ahi isugu coddeeyo, isla markaana la cabudhiyo xorriyadda hadalka iyo saxaafada, taa bedelkeedana la sameeyo canjilaad iyo jilid loogu yeedho dimoqraadiyad.

 

Dawladda Maraykanka ayaa dhawaan dhaliishay talaabooyinka madaxda dalalkaa, isla markaana ugu baaqday madaxdoodda inay jidka u banneeyaan jiilasha taladda leh oo ay joojiyaan kelitalisnimadda. Hase yeeshee qaar ka mid ah madaxda Afrika ee hadalkaasi ku socday ayaa ka bixiyay jawaabo diidmo ah oo u dhacayay in faragelinta laga daayo.

Comments are closed