|

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dowladda Somaliland Ku Eedeeyay Musuq-maasuq Dhanka Deeqaha Waxbarashada Ah

Hargeysa,5Dec,2015(QJ/SDN)-Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa dowladda Somaliland ku eedeeyay inay musuq-maasuqday deeqo waxbarasho oo ay ardayda reer Somaliland ugu soo dhiibeen.

Mudane Carte Qaalib ayaa sheegay in deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ay caalamka ka hesho ay si toos ah Somaliland saamigeeda u siiyaan iyagoo usoo mariya wasaaradda Waxbarashada Somaliland, isagoona xusay in marka ay Somaliland deeqaha waxbrashada Saamigeeda ay siinayaan ay u sheegaan dowladda Somaliland inay ardayda imtixaan ku kala saaraan, balse taas ayaan dhicin sida uu sheegay Ra’iisal wasaaruhu isagoona arrintaasi sabab uga dhigay in uu jiro musuq-maasuq dhanka deeqaha waxbarashadaha ah ee Somaliland.

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sidaasi ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay fogaan-araga Star.

‘’Wixii deeqo ah ee ay Somaliland lahayd waxaanu u dirnay wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland, weliba Condition-na waanu ku xidhnoo in kala sarreynta ardayda lagu siiyo,.. wixii deeqo wax barasho ah ee ay Somaliland lahayd Direct (toos) ayaanu ugu dirnaa (Somaliland)..’’ ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa deeqaha waxbarashada Somaliland ay usoo direen ay gaadhayso illaa boqol iyo dheeraad arday, isagoona saluug ka muujyay Ra’iisal wasaaruhu qaabka sannadkan loo maamulay ama loo qaybiyay deeqaha waxbarashada ee ay Somaliland usoo direen.

Dhanka kale, hadalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa kusoo beegmaya xilli ay bishii hore qaar ka mid ah Ardaydii ka Baxday Dugsiyada Sare ee Somaliland ay sannadkan Cabasho weyn ka muujiyeen Musuqmaasuq ay sheegeen  in Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadu ku  sameeyeen Deeqihii Waxbarasho ee Wasaarada Somaliland ka heli jirtay Waddamada Jaarka ah.

16Nov,2015/ Qaar Ka Mid Ah Ardayda Dugsiyada Sare Oo Cabasho Ka Muujiyay Deeqo Waxbrasho: RIIX

Ugu danbeyntii, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ku dooday in sababta ugu weyn ee ay Muqdisho u joogaan ay tahay danta ummadda reer Somaliland balse uu sheegay in dadka qaar ay ugu yeedhaan Calooshooda u shaqaystayaal .

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Somaliland ayaan wax jawaab ah illaa hadda ka bixin eedaha Musuq-maasuqa  waxbarasho ee uga imanaya Dowladda federaalka Soomaaliya.

 Wareysiga Maxamed Cumar Carte Qaalib: RIIX

Contact: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Qurbejoog: Hargeysa

Comments are closed