|

Mulkiilihii Hotel Casablanca oo booliska Hargeysa ay baadi goobayaan, maxeyse tahay sababtu?

Hargeisa Dec 04,2015(SDN/QJ)-Mulkiiliihii Hotel ka Casablanca ee magaalada Hargeisa ayaa waxa loo jaray warqad qabasho sharciga lagu horgeynayo,sida ay warar loo qaateen ahi ku soo gaarayaan qurbejoog.com.

Hotel ka Casablanca oo todobaadyadii u dangeeyayba xirnaa ayaa mulkiilihiisii Md Maxamed Cabdiraxmaan Garyare dhawaan waxa uu shaaciyay in loo cimaamadi doono Suldaanka Guud ee Beesha uu ka soo jeedo ee Cabdi Ciise ee beelweynta Ciidagale.

Shaacintaa oo dareen ka dhex abuurtay bulshada ayaa loo aaneynayaa in ay ka danbeyso dabagalka ciidanka Boliiska ee magaalada Hargeysa.

Md Maxamed Cabdiraxmaan Garyare Ayaan keli ku aheyn damaca suldaanimo ee waxa isna Boolisku baadigoobayaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo qudhiisa shaaciyay damac Suldaanimo.

Si kastaba ha ahaatee Booliska magaalada Hargeisa Ayaan weli ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan labadan ruux.

SDN/QJ-Hargeisa

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed