|

MADAXWEYNAHA SOMALILAND: ‘’Dalkeena Waxa ka Jira Sicir barar Ba’an Oo Saameyn Toos Ah Ku Yeeshay Nolol Maalmeedka Bulshada,’’

Axmed-Siilaanyo1Hargeysa,4Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.

Xubnaha guddiga ah ee uu Madaxwaynaha Somaliland magacaabay oo uu guddoominayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxa ay kala yihiin.

Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada         JSL

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL   

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu guddanayo waajibka saaran xukuumaddiisa,isla markaana dalka xog ogaal u noqonayo.

“Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeena waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay xog ururin dhab ah oo lagu go’aan qaadan karo.

” Waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaainaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo”ayaa lagu yidhi Warsaaxaafadeedka.

 

Comments are closed