|

Dagaal Culus iyo Duqeymo ka bilowday Magaalada Gaalkacyo iyo Heshiiskii shalay oo fashilmay

DagaalGaalkacyo,3Dec,2015(QJ/SND)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goordhaw uu halkaasi uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland oo horey isku hor fadhiyay.

Dagaalka qarxay ayaan wali si dhab ah loo ogeyn cida bilowday iyo waxa keenay in mar kale dagaal dib uga qarxo Magaaladaasi, waxaana xiligan la maqlayaa rasaas culus ay is dhaafsanayaan Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland.

Xiliga uu dagaalku qarxyay ayaa waxaa socday qorshe la doonayay in lagu kala qaado ciidamada is hor fadhiyay, waxaana mar qura bilowday Duqeymo madaafiic ah oo labada dhinac is dhaafsadeen, waxaana xiligaa kadib dib u qarxay dagaal culus.

Wasiirka Amniga Galmudug oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntiland ay weerar kusoo qaaday ayna madaafiic kusoo garaaceyn dhankooda, waxa uuna xusay in Puntiland aysan xiligan nabad dooneyn ayna Dagaal u diyaargarowday ayna iska difaacayaan.

Tiro madaafiic ah ay is dhaafsadeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland ayaa ku dhacay qeybo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana madaafiicda ay qasaaro kasoo gaartay xarumo ganacsi oo kuyaala Magaaladasai.

Waxaa muuqata in ay fashilantay waan waantii nabadeed iyo heshiiskii shalay ay Magaalada Gaalkacyo kuwada gaareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntiland, waxaana Magaalada Gaalkacyo uu hada dagaalka kasocdo ku sugan R/Wasaraha Soomaaliya , Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo xubno katirsan Beesha Caalmka.

Comments are closed