|

Maamulka Telefishanka Bulsho Tv oo Xisbiga Waddani ka raaligeliyey War Sheegayay in Dhallinyaro Reer Gebilay ahi ay Ku Mudaharaadeen,Calanka Xisbigaasna Ey Loo Xidhay+ Dhallinyaro Cadeeyey inay Falkaas ka Danbeeyeen DAAWO

Hargeysa 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Televisionka bulsho oo xisbiga wadani iyo dadwaynaha Reer Gabiley ka raaligeliyeen War Been Abuur ahaa oo Habeen Hore Bulsho Tv  laga Baahiyay,Kaas oo Sidoo kalena lagu faafiyey Baraha Xidhiidhka Bulshada,kaas oo ku saabsanaa Madax ka Tirsan Xisbiga Waddani oo dhallinyaro Magaaladaasi ku nooli ku Mudaharaadeen Xili ay hawlo shaqo u tageen isla markaana Calanka Xisbiga Waddani loo Xidhay Xayawaanka Eyga.

Maamulka bulsho Tv oo u horkacayo mulkiilaha tvgu Eng cali Faarax  Xarbi iyo maareeyaha tvga ayaa socod xaqiiqa radina oo ay ku tageen magaalada gabiley kadib markii ay ogaadeen in Habeen hore warkii ay baahiyeen ee gabiley looga soo diray in uu been abuur ahaa waxay raaligalin ka bixiyeen dhacdadaa iyagoo xisbiga waddani iyo bulshada reer gabiley iyo guud shacabka somaliland ka raaligaliyay warkaasi oo ku til maameen mid meel ka dhac u ah guud somaliland.

Geesta Kalena Qaar Ka Mid ah Dhallinyaradda Magaalada Gebilay oo la aaminsan yahay in Mas’uuliyiin ka tirsan dawladu ay soo abaabuleen ayaa Sheegay in warka Mudaharaadku uu ahaa Mid Run ah Isla markaana aanay ogolayn in Xisbiga Waddani uu Xafiis ka Furto Magaaladda Gebilay iyagoo ku dooday in Gebiley aanay Noqonayn Meel laga Caayo sida ay hadalka u dhigeen Madaxweynaha Waxay intaas ku dareen inay Taageersan yihiin Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Laamaha Amaanka ayaa looga fadhiyaa Talaabo ay ka qaadaan Dhallinyaradaas Maadaama Shuruucda dalku Xaaraan-tinimaynayso in Xisbi Qaran Astaantiisa Sifo Khaldan loo adeegsado

Comments are closed