Boorama oo Dadwaynaha ku dhaqani Ka Cabanaya Dhibaatada Ay Eeydu Ku Hayaan DAAWO
Boorama 03.Dec 2015 (SDN/QJ):- Bulshada ku Nool Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama ayaa Cabasho weyn ka Muujiyey Korodhka Ey Tiro badan oo ku nool Magaaladaasi,Taas oo Saamayn Caafimaad mararka qaar Sababi karta.
Qaar ka Mid ah haweenka ku dhaqan Magaaladaasi ayaa ka dalbaday Maamulka Magalada Boorama inay Xil iska saaraan Sidii Xayawaanka Eyda ah Magaalada Looga Saari lahaa.