|

Nairobi: Firkanaxii Ardayda Iyo Fashilaadda Hawlgalkii Hubinta Feejignaanta

Nairobi, 03 December, 2015-(SDN/QJ):- Barnaamij dawladda kenya ugu talagashay in lagu ogaado feejignaanta ardayda iyo  hababka ay isku difaaci karraan haddiiba ay dhacdo in Alshabaab soo weerarto goob waxbarasho, ayaa tijabadiisii u horaysay sababtay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ardayda Jaamacadda Strathmore ee magaaladda Nairobi ay ka diddeen niman u soo lebistay sida Alshabaab oo qayb ka ahaa askar Boolis ah oo loogu talagalay fulinta barnaamijkaa.

Strathmore university kenya

Ciidanka amaanka ayaa qaaday talaabo tijaabo ahayd oo ay ugu kuurgalayeen taxadirka ardayda,   isla markaana ay taasi sababtay inuu farsamo xumaysto jilliinka barnaamijkaa tijaabadda ahaa, kaasoo hal qof ku geeriyooday, labaatan kalena ku dhaawacmeen.

Japheth Koome oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa hawlgalkaa ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta ardayda tirada badan ee Jaamacadaa wax ka barata.

3726700
Hal qof ayaa ku  geeriyooday hawlgalkaa, taasoo ahayd haweenay dhanka nadaafada ka shaqaynaysay, isla markaana waxay dhimatay kadib markii isjiidh xoog lihi sababay in dad badani isku dul daataan, taasoo dhacday  markii  ardaydu ku saseen dhawaaqa rasaas ay Ciidamada ammaanku kor u ridayeen. Qaar ka mid ah ardayda, ayaa la sheegay inay iska soo tureen dabaqyada afraad iyo shanaad ee dhismaha jaamacada oo ku yaalla agagaarka xaafadda Langata ee magaalada Nairobi, halka kuwa kalena ay isku qariyeen musqulaha jaamacadda.
strathmore-shootingHay’adda Laanqayrta Cas ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in dhacdadaas kadib ay ardaydii dhaawacantay qaar ka mid ah la geeyay Cusbataaladda magaalada Nairobi.

Goob-joogayaal  ayaa iyaguna sheegay in ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska Birmadka oo loo yaqaano AP-da (Administration Police) ay si kadis ah u galeen jaamacada, iyagoo iska dhigayay koox soo weerartay, waxayna kor u rideen rasaas nool oo ay damacsanayeen inay ku baqdin geliyaan ardayda, Macallimiintooda iyo weliba Maamulka jaamacada oo aanan horay loogu sii war galinin hawlgalkaa tijaabada ahaa.

Shacabka Kenya, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hawlgalka,  lagu wargalin ciidamada booliska ee saldhiga ku leh aaga ay jaamacadaas ku taallo. Barnaamijka tijaabadda ahaa ayaa muujinaya heerka ay gaadhsiisantay cabsida ay Alshabaab ku hayso dadka Kenya, kadib weerar ay ku ekeeyeen jaamacadda Gaarisa kal hore halkaasoo ay ku dilleen arday badan, qaar kalena ku dhaawaceen.

Comments are closed