Shacabka Magaalada Burco oo werwer ka muujiyey caqabado golaha deegaanka, dhalinyarada ilaaliya xaafadaha ka haysta
Burco, 03 December, 2015-(SDN/QJ):- Xog-uruurin Hay’ad caalami ahi ka samaysay degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa lagu ogaaday caqabado dhinacyo kala duwan ah oo ka jira, oo wax-ka-qabashadoodu u baahan tahay inay u hawlgalaan dhinacyada ay khusayso ee Baarlamaanka, Xukuumadda Somaliland iyo Golaha deegaanka Burco.
Xog-uruurintan oo ku saabsanayd xallinta khilaafaadka iyo qiimaynta ammaanka, isla markaana Hay’adda Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) ka fulisay degmada Burco badhtamihii sannadkan ayey bulshada lagu wareystay si weyn u dhaleeceeyeen qorshe Golaha deegaanka Burco ku korodhsadeen Mushaharkooda, xilli dhaqaalaha soo galaa hooseeyo.
Dadweynaha magaalada Burco oo wax laga weydiinayey qiimayntooda nidaamka maamulka dawlada hoose, Garsoorka, ilaalinta ammaanka iyo xallinta khilaafyada, ayaa natiijadii ka soo baxday lagu ogaaday in dadweynaha caqabado ay kala kulmaan fulin la’aanta xukunnada dadka ciqaabaha dilka ku xukuman, taasoo halis ammaan-darro abuuri karto dib-u-dhacoodu.
Xog-ururintan ayaa natiijadii ka soo baxday sidoo kale werwer weyn laga muujiyey nidaamka dhalinyarada habeenkii ilaaliya Xaafadaha, oo dadweynahu sheegeen inay khasab kaga qaadaan lacagta, isla markaana aanay awoodin inay diidaan ama iska joojiyaan hawshooda, taasoo hadday isku dayaan ay kula dhaqmaan farsamooyin inay Tuugo ku soo jiheeyaan guryahooda ama haliso kale geliyaan.
Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa magaalada Burco iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Masuuliyiintooda wax ka weydiiyo, siday u arkaan natiijada xog-ururintan iyo inay diyaar u yihiin hirgelinta nidaamka natiijadani lagu ogaaday dhalliisha uu leeyahay, ayaanay noo suurtoobin inaannu wax jawaab ah ka helno ka dib markii Taleefannadooda gacanta oo xidhan aannu la kulannay marar kala duwan oo xalay ahayd.