“Jariiradaasi Way Xidhantay Dadkii Lahaana Maaha, Iyaguna Maxkamadda Ayay Iska Difaaci” Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Hargaysa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Mr. Xasan Axmed Aadan, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhig loo gaystay wariyayaal ka hawl-gala magaalada hargaysa, kuwaasi oo la sheegay in ay u xidhan yihiin xeer ilaalinta qaranka.
Saxafiyiintan oo kala ah Cabdirashiid Nuur Wacays Iyo Siciid Khadar Cabdilaahi ayaa xeer-ilaaliyuhu sheegay inay xidheen, ka dib markii ay soo soo saareen wargeys aanay sharciyad u haysan “Labadaa wariye halkan ayay iigu yimaadeen, balse ka hor waxa soo baxay maqaalo uu daabacay wargayska la yidhaahdo hubsad, wargeyskaasi haddii aan taariikh yar oo kooban idinka siiyo waxa la fasaxay oo halkan laga diiwaangaliyey 23-bishii 8-aad sannadkii 2010-kii , hasa yeeshee muddadaa shan sanno iyo waxooga ah mar kaliya muu soo bixin wargeyskaasi cid ayuunbaa ku qornayd, nin la yidhaahdo Maxamed Nuux Cige ayaa ku diiwaan-gashan , markaa anaga sidaas ayuu noogu diiwaan-gashanaa balse wax soo saar uu sameeyey ma jirin”.
Isagoo hadalkiisa sii wata xeer-ilaaliyuhu wuxuu yidhi “Imika muddo laga joogo saddex wiig meelahaas ayaa waxa soo baxay hubsad, marka jariirad cusubi soo baxdo dadku waxa ay leeyihiin waa maxay jariiradani, anaga ayaa nala soo waydiiyey oo la yidhi ma jirtaa hubsad Jariirad la yidhaahdaa oo caynkan ah. waanu u baahanahay, dadkii baanu ku nidhi dadkii raadiya way dhuunteen waa la waayey, waayo cida uu u diiwaangashan yahay ee liisanka haysata mooyee qof kale jariiradii ma soo saari karro, waxaaba dhici karta in mararka qaarkood Jariiradaha ay is bixin waayaan oo iska xidhmaan, wax nidaama oo u yaala oo ay ku kala wareegaana ma jirto , cidii markaa u diiwaangashan uunbaa masuuliyadii qaadaysa”.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu sheegay in markii ugu horaysay ee wargeyska Hubsad uu soo baxay ay u banaanayd inay talaabo qaadaan balse ay tix-galiyeen dalab uga yimi ururka Solja waxaana uu yidhi :-“Jariiradii C.I.D-dana waanu ogaysiinay Wasaarada warfaafintana waanu u sheegnay nimankaasi ha la raadiyo ha la yidhaahdo joojiya markii hore way noo banaanayd in aanu talaabo sharciya ka qaadno dadka sidaas ku soo baxay , hasa yeeshee qoladan solja ayaa noo timi waxa ay na yidhaahdeen khalad baa dhacay bal markaa cabal ha laga joojiyo oo yaanu wax soo saar dambe ka soo bixin, sidii ayaa madbacada loogu qoray ha la xayiro oo loo joojiyay, markaa dacwo ayay gaysteen Maxkamada anigu dacwadaasi waxay ahayd iyo wax anaga na laga soo ogaysiiyay mooyee macnaha malaa waxa ay lahaayeen anagaa xaq u leh waxay doontaba ha noqoto”.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlaya waxyaabihii dhex maray saxafiyiintan xidhan markii ay xafiiskiisa ugu tageen waxa uu yidhi:-“Halkan ayay iigu yimaadeen waxay yidhaahdeen waxa aanu doonaynaa in aanu Jariiradii furano, waxaan ku idhi jariiradaasi idinka ayaaba laydin raadinayee oo sifo sharci darro ah ku soo furtaye waxa weeyaan jariiradaasi way xidhan tahay dadkii lahana ma tihidin , mulkiilhii iyo tifaftirihiina ma tihidin markaa haddii aad soo saartaan talaabo ayaa laydinka qaadi doonaa, waanu soo saaraynaa buu yidhi waxaad doonaysaan ku kaca taasaa keentay in talaabo laga qaado markii ay xafiiskii handadaad ula yimaadeen , markaa sidaas ayay ku xidhan yihiin maxkamada aya la horgeeyey maxkamaduna gar sugayaal ayay ka dhigtay.
Ugu dambayntii xeer ilaaliyaha guud ee qaranku waxa uu sheegay in saxafiyiinta xidhan ay kiiskooda u gudbiyeen maxkamada halkaasna ay iska difaaci doonaan waxaana uu yidhi:-“Haddii alle yidhaahdo maxkamada ayay iska difaaci doonaan waxa sharciya ee ay wataan iyo waxa sharci darada ah”