Sheeko: Hooyo, guriga ma joogto!!! W/Q: Mahad Ibraahim Yuusuf
Waqti dheer ka hor ayaa waxa aan joogi jiray miyiga. Beri ayaa aniga oo yar oo shan jir ah waxa aannu u guurnay meel aad uga fog dhulkii iyo deegaankii aannu degi jirnay ee aan ku soo barbaaray. Dabadeedna waxa aan waayay oo aan u xiisay carruurtii yar yarayd ee aan wada ciyaari jirnay iyo deegaankaygii. Waxa kale oo aan la qabsan waayay deegaankan cusub ee aannu usoo guurnay. Waxaan warwar iyo walaac ku jiraba, maalin ayaa aniga oo kayn aad u doog badan oo qurux badan maqashii la jooga , waxa igu soo baxday tu yar oo iyaduna maqal la joogta oo aannu isku fil nahay. Tii yarayd ayaan u tagay oo aannu is baranay. Maalinkii oodhan markii aannu wada ciyaaraynay ee ay soo dhawaatay xilligii aannu kala hoyan lahayn. Ayaa waxa aannu ku ballanay in aannu maalin walba maqasha kaytan usoo foofinno oo aannu halkan iskaga wada ciyaarno. Sidaas ayaan maalinkii ku soo kala tagnay.
Intaa wixii ka danbeeyay waxa aannu noqonnay laba qof oo saaxiibbo ah. Maalin walba waannu isku iman jirnay, wada ciyaari jirnay, wada joogi jirnay, waqtiga inta ugu badanna aannu wada qaadan jirnay. Waxay sidaa ahaataba, maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacday annaga oo maqashii la joogna oo iska ciyaarayna, ayaa waddo dhanka galbeed naga xigtay waxaa soo maray gaadhi weyn oo Xamar ka yimi oo muus sida. Waxa aannu usoo yaacnay xagii gaadhiga si aannu u daawanno gaadhigan weyn ee meesha maraya. Waayo waxa aannu nahay carruur yar yar oo reer miyi ah oo gaadhiba bishii hal mar ayaannu aragnaa. Annaga oo waddada hareerteeda taagan oo gaadhigii daawanayna, ayaa markii uu gaadhigi wax yar uun na dhaafay waxaa ka dhacay kiish muus ah. Waxa aannu u cararnay xaggii kiishka, dabadeedna inta uu midkaayaba dhan soo qabto ayaa waxa aannu la nimi kayntii dooga lahayd ee ay maqashu daaqaysay. Halkii ayaannu ku furnay oo aannu maalinkii oo dhan muuskii ku cunaynay.
Markii aannu isku wadno goynay, ee labadayadii mid kastaaba sidiisa uga dhargay, muuskiina uu wali buuxo oo aanay fariba ka qodnayn, illeen waa jawaan dhane, ayaa waxa aan ku idhi “walaalo Raxmaay, muuska inta kale halkaa kaynta ma ku xasaysannaa, si aynu maalinba badh u cunno?”. Raxmi iyada ayaa iga fikir wacnayde, waxa ay iigu jawaabtay “oo walaalo ma innaga oo kaliya ayaa cunayna? Xaafadaheennii maynaa wax kasiinahayn?”. Markay intaa i tidhi ayaan dib u xasuustay hooyaday iyo walaalahay, dabadeedna aniga oo fikirkeeda aad ula dhacsan ayaa waxa aan ku idhi “haa wallaahi waa runtaa. Waynu kala qaybasanaynaa, anigu qaybtayda hooyaday ayaan u gaynayaa adna qaybtaada hooyadaa u gee”.
Waxa aannu kala qaybasannay muuskii, kadibna, inta uu midkastaaba qaybtiisii qaatay, ayaannu sidaa iyo nabadgalyo iyo waa inoo berri ku kala tagnay. Maalinkii xigay markii aannu maqashii soo raacnay ee aannu kayntii isugu nimi. Ayaa markii aannu is bariidinnay ee aannu si xaal waraysannay kadib, waxa aan ku idhi “Raxmaay, hooyo muuskii markaad u gaysay maxay ku tidhi? Maanay ku weyddiin xageed ka keentay?”. Dabadeedna inta ay waxooga dhoollo caddayn iyo qosol ah is raacisay ayay igu tidhi “horta aniga xaraabaha igu dhacay anaa kuu sheegiye, adigu ii hor sheegoo maxaa lagu yidhi?”.
Markii ay igu tidhi xaraabe ayaa igu dhacay, ayaa aniga oo sii jeclaysanaya xaraabahaas ku dhacay inay iiga sheekayso, ayaa waxa aan ku idhi “iinyo. Horta aniga ayaa ku hor weyddiiyaye ilaa oo aad taada ii sheegto kuu sheegi maayo”. Dabadeedna iyada oo is leh xaraabihii ku dhacay u sheeg oo sheekadii ii bilaabaysa, ayaa waxa ay igu tidhi “anigu hooyo uma gayn, ee waxa aan u geeyay ayeeyo. Ayeeyday waxa ay …”. Halkaa marka ay hadalka ii marinayso ayaan kasoo dhex galay aniga oo ku leh “oo hooyadaa maxaad ugu gayn wayday? Anigaa kaa fariidsan, anigu markiiba hooyaday ayaan farta ka saaray, iyadaa walaalahayna u sii qaybisay, waliba hooyaday aad ayay ugu faraxday. Adna hooyadaa haddii aad u gayn lahayd, sidaas oo kale ayay ugu farxi lahayd, waliba way kusii jeclaan lahayd”.
Gabadhii yarayd ee Raxma markii aan intaas ku idhi, wajigeedii wuu is beddalay. Farxaddii iyo dhoollo caddayntii wajigeeda ka muuqatay ayaa mar kaliya waxa ay isku beddashay murugo. Indhaheediina waxaa ku soo istaagtay ilmo, dabadeedna iyada oo indhaheeda hoos u foorarinaysa oo aad mooddo in ay aad uga xumaatay hadalka aan ku idhi, ayaa si deggan oo naxariis leh waxa ay ii tidhi “Maya saaxiib, igama fariidsanid ee waad iga nasiib badantahay. Waayo adigu waxaad haysataa hooyo sharaftaada iyo qiimahaaga mar walba kor u qaadaysa oo ku jecel. Laakiin, anigu hooyo ma lihi, hooyaday way dhimatay. Waxaanan aad uga xumahay in aan anigu hooyaday geerida u sababay, sababtoo ah aniga fooshaydii ayay ku ummul aroortay oo ay ku dhimatay. Markii ay aniga ifka i keentay ayay iyaduna dunida ka tagtay oo ay igu cidlaysay. Inkasta oo aanan hooyaday waligay indhaha saarin, oo muuqeeda iyo sida ay u eegtahay toona aanan arkin, haddana qofka aan dunida ugu jecelahay waa iyada. saaxiib ma i raacaysaa? waxaan aadayaa qabriga hooyo. Maalin walba oo jicme ah waxa aan tagaa qabriga hooyo, waanan u soo duceeyaa. ina mari kaalay hooyaday iila soo ducee saaxiib”. Inta aan markaliya isku naxay, oo aan hadalkeeda ka qiirooday, ayaa inta aan xageeda u soo dhaqaaqay oo aan ilmadii indhaheeda ka socotay gacantayda kaga tiray, ayaa waxaan ku idhi “iga raalli ahaw saaxiib. Waxaan moodayay in ay hooyo guriga joogto”.
Waqtiga iyo waayuhu cidna kama xishoodaan. Hooyo iyo wiilkeed oo is jecel ayay kala geeyaan oo ay midba meel ku tuuraan. Walaalo wada dhashay oo aan kala maarmin ayay kala fogeeyaan oo ay midba qaarad geeyaan. Saaxiibbo dunida isku jecel oo ul iyo diirkeed isku ah ayay mid ahaan dilaan oo ay mid kale dunida ku cidleeyaan. Aniga iyo Raxmi markii aannu muddo badan saaxiibbo ahayn, ee aannu noqonnay laba qof oo xusuuso badan iyo dhacdooyin badan wadaagay, ayaa maalin maalmaha ka mid ah ay xaafaddayadii kasoo guurtay deegaankii ay Raxma iyo reer koodu degi jireen. Waxaan dib ugu soo laabannay deegankayagii iyo halkii aannu markii hore ka guurnay. Halkaas ayay na kusoo dhammaatay qisadii aniga iyo gabadhii yarayd ee Raxma. inkasta oo aanan maanta ogayn Raxmi in ay dunidan igula nooshahay iyo inkale. Haddana maanta haddii ay nooshahay meel walba oo ay dunida kaga nooshahay waxa aan ilaahay u weyydiinaya cimri dherer iyo caafimaad qab. Haddii ay teedi u timi oo ay dunida ka tagtayna, waxa aan ilaahay u weyddiinaya in uu jannadiisa geeyo.
Wax walba waxbaa lagu soo xasuustaaye, sheekadan waxaa isoo xasuusiyay oo igu kalifay inaan qoro. Maalin dhawayd ayaa aniga oo qolkayga iska fadhiya oo markaa iska nasanaya oo aan wax shaqo ah hayn, ayaa waxaa isoo wacay wiil aannu saaxiibbo nahay oo u shaqeeya dawladda. Dabadeedna waxa uu iga codsaday in aan raaco oo aan lasoo qaybiyo waraaqo cashuureed oo loo qaybinayay xaafado. Inta aan dhawr waraaqood ka qaaday ayaan ku idhi “xaafadaha sakaddaa anaa usoo qaybinayee, adna sakaddaa kale u soo qaybi”. Dabadeedna waxa aan u dhaqaaqay xaggii xaafadihii, albaabkii koowaad markii aan garaacay ayaa waxaa iga furay wiil yar oo shan jir meelahaas ah. Wiilkii yaraa ayaa waxa aan ku idhi “adeer hoo warqaddan, hooyadaa u gee, waxaad ku tidhaahdaa xagga dawladda ayay ka socotaa”. Kii yaraa ayaa inta uu kor ii soo fiiriyay waxa uu igu yidhi “hooyo, guriga ma joogto”. Anna waxan ugu jawaabay “waa caadiye, marka ay timaadaba u dhiib”. Haddana waxa uu igu soo celiyay “laakiin hooyo, ma imanayso dee”. Anna ileen hawl iyo waqti ayaa igu socdaye, inta aan kor ugu qayliyay ayaan ku idhi “waar niyaw kaagan yari waad hadal badantahee, marka ay timaado u dhiib ayaan ku idhi. Maxaad hadalka igaga soo celcelinaysaa, goormay imanaysaa hooyadaa waar”.
Markii aan sidaas ugu qayliyay, ayaa inta uu iga baqday oo uu madaxiisa hoos u foorariyay waxa uu igu yidhi “masoo noqonaysaba, sidaas ayay ku tagtay”. Intaas markii uu i yidhi ayaan wax fahmay. Waxaan ogaaday wiilkan yar inuusan hooyo lahayn, oo uu i odhan kari waayay “hooyaday ma noola. Way dhimatay.” Aniga oo naftayda dib u canaananaya oo ka qoomamaynaya degdegii aan degdegay iyo qayladii aan ku qayliyay, ayaa waxa aan ku idhi “haye adeer, ee qofka guriga jooga ee ka masuulka ah u dhiib warqaddan”. Isna “haye” inta uu iigu jawaabay ayuu dib ugalay gurigii, albaabkiina soo xidhay.
Runtii, wax walba waxa aad tabaysaa marka aad agtaada ka waydo. hooyada iyo naxariisteeda waxa dareemi kara oo kaliya qofka aan maanta hooyo haysanin. inagu ma dareemi karno qiimaha dhabta ah ee ay inoo leeyihiin indhaheenna, cagaheenna iyo gacmaheennu. Laakiin, waxaa taasi si dhab ah u dareemi kara qofka aan maanta intaasi midna haysanin. Caafimaadka iyo qiimihiisana waxaa dareemi kara oo kaliya, qofka maanta sariirta bukaanka jiifa. ee ay dushiisa taallo warqad caafimaad oo ay ku qorantahay “mudane, xanuunkaagu waxa uu dhaafay xilligii wax laga qaban lahaa, waxa aad sidan ahaan doonta mudo badan, kadibna waxa aad ka tagaysaa dunida iyo rafaadkeeda”. Waxa laga yaabaa haddii aad booqato mid kamida cusbitaalada ku yaalla magaalada aad degantahay, in aad kula kulanto qisooyin iyo dhacdooyin cajiib ah oo aad inbadan la yaabi doonto.
″Ilaahay waxa aan ka baryayaa in uu dhammaanteenba hooyooyinkeen u naxariisto. Intii dhimatay inuu jannada geeyo xisaabtana u fududeeyo. Inta noolna in uu innoo dhawro oo inoo xafido.
Dhammaad
W/Q: Mahad Ibraahim Yuusuf
Mahad123890@hotmail.com
Khartuum, Suudaan