|

SHIR UGA QABSOOMAY XISBIGA WADDANI UK MAGAALADA LONDON LAGUNA SOO BANDHIGAY AALAD CASRIYA OO LAGU KAYDIN DOONO….

London1Dec15(SDN/QJ)Xisbiga Waddani UK ayaa shir balaadhani uga qabsoomay  habeenkii Sabtida 28/11/2015 shirkaa oo ka  qabsoomay galbeedka magaalda London, shirkaasoo ay kasoo qayb galeen dhamaan madaxda Waddani UK oo uu hogaaminaayo Gudoomiye Mujaahid Xusseen Aadan Cadde. Shirkan ayaa ahaa mid aan look ala hadhin dhamaan garabyada Waddani Uk haday tahay garabka haweenka, dhalinayrada, aqoonyahnaka, siyaasiyiin, odayaasha, wax garadka, taagerayaal iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.IMG_2850 

Gaba gabadii shirkan ayaa waxaa guddida sare ee Waddani UK ay gudoonsiiyeen shahaado sharaf dhalinyaradii kasoo shaqeeyay barmaamushkan.
Isku soo wada duuboo tani waxay kutusinaysaa oo ay tusaale utahay talaabooyin ka wax ku oolka ah ee uu marba marka ka danbaysa uu ku talaab sanaayo xisbiga Waddani uk, iyo sida uu ula jaan qaadaayo casriga iyo tignoolajiyadda cusub. Waaa hubaal in uu yahay Xisbiga Waddani iftiiin usoo baxay bulshada iyo dalka Somaliland xili lagu jiro xaalada siyaasadeed oo madmadow baddani kajiro, goldaloolada iyo habacsanaanta xukuumada hada joogtaana ay sii baddanayso. Waxaase ka go’an xisbiga Waddani inuu hadii Allaha awooda lihi ogolaado markuu talada dalka qabto uu dalkan u horseedi doono horumar iyo guul dhinackasta oo kamida nolosha iyo horumarka dalkeena Somaliland.
Allaa Mahadleh
Afhayeenka xisbiga Waddani UK
Cabdixakiin Camuud Axmed

Cabdixakiin Camuud AxmedIMG_2822

IMG_2834

IMG_2876

Comments are closed