|

Madax-dhaqameedka Buuhoodle oo Bilaabay Baaqyo ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo Kuwa Maroodi-jeex qaarkood oo Muqdisho u hanqal taagaya

Qoriley, 27 November, 2015-(SDN/QJ):– Qaar ka mid ah Isimada Sool iyo Buuhoodle ee Somaliland oo Maalmihii u dambeeyay Shirar uga socdeen Deegaannada Xoore iyo Qorileey, ayaa ka soo saaray Go’aamo qaarkood lid ku yihiin Ciidammada Qaranka ee sugan Sool iyo Buuhoodle.

Odayaasha dhaqanka Sool iyo Buuhoodle oo Shirarkoodu socdeen 10-kii ilaa 21-kii bishan 11-aad, ayaa go’aamada ay sida wada jirka ah u soo saareen waxay ku sheegeenin horumar la’aan baahsan ka jirto deegaannada Sool iyo Buuhoodle ee ay iyagu ku sugan yihiin, waxayna Beesha Caalamka u direen baaq ah inay indhahooda ku soo arkaan.

Garaad Maxamuud Cismaan Mash-qare oo akhriyey Bayaanka ay Isimadu Soo wada saareen, ayaa yidhi, “Shir ay iskugu yimaaddeen Isimada Dhulbahante Taariikhdu markay ahayd 10 ilaa 21/11/2015-ka kuna Saabsanaa in Qoomiyadda Dhulbahante ka midoobaan Muruqa, Maskaxda iyo Maalkaba si loo gaadho danaha ay leeyihiin, sidaa daraadeed waxaanu Cambaareynaynaa Cabudhinta, Xoriyat ka qaadka Somaliland ku hayso deegaannadayada, waxa kale oo aanu u sheegaynaa inay kala baxaan Ciidammadooda si nabadgalyo ah.”

Garaad Mash-qare oo sii hadlaya ayaa Farriin u diray Beesha Caalamka. “Waxaanu beesha Caalamka gaadhsiinaynaa inay indhahooda ku soo arkaan horumar la’aanta ka jirta deegaannadaas dhinaca arrimaha Bulshada, wixii loo qoondeeyayna aanay waxba ka soo gaadhin.”ayuu yidhi.

Hadalka Madax-dhaqameedkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex qaarkoodna ku mashquulsan yihiin sidii ay uga qayb-geli lahaayeen Shirka Turkigu doonayo inay ku wada hadlaan Madax-dhaqameedka Somaliland iyo kuwa Soomaaliya, kaasi oo Bulshada Somaliland aamisan tahay in lagu waxyeelaynayo Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland

Comments are closed