|

Barakac ballaadhan oo Ka socda Magaalada Gaalkacyo iyo Waan-waan Wali Socota Oo Noqotay Mid Madhalays ah

Gaalkacayo 27.Nov 2015 (SDN/QJ):-Magaalada Gaalkacyo ayaa Sadexdii Caano maal ee  u dambaysay shacabka waxa ay ka baqdin qabeen in dagaalo kale ay kadhacaan waxayna Iskagana baxeen Dhamaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo inyar maahane,

Dhinaca Kale waxaa Wali socoto waan waanta ay wadaan Odayaasha labada dhinac iyo Ganacsatooda Kuwaas oo ku howlan xalinta Xiisadahaasi.

Shacabka labada dhinac ayaa u qaxay degaamada ku dhow dhow ee xiga Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo, Waxaana magaalada laga dareemayaa in uu saameeyey Dagaalka Gaalkacyo ka dhacay todobaadkan bilowgiisii.

Qaar Kamid ah dadkaasi oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay la kulmayaan xiligan Dhibaatooyin dhinaca Nolasha ah iyagaano qaarkood markii hore nolol cariiri ah ku heystay gudaha magaaladda.

Waxgaradka nabadaynta wada ayaa horay Puntland ka dalbaday in ay joojiso dhismaha wadada muddo saddex beri ah waxayna ku ekayd doraad ilaa hada Odayaasha ma aysan soo bandhigin go’aankooda walow ay maanta balansan yihiin lana sugaya waxa ka soo baxa kulan kooda.

Dhinaca kale Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa weli ku sugan fariisamahooda kala duwan ee aaga dagaalku ka dhacay, Wararku waxay sheegayaan in magaalada ay labadii maalin u dambeeyey soo galeen ciidamo kaloo badan oo labada dhinac ka socda, Xaalada ayaana la qiyaasi karin lagana cabsi qabo in dagaal dhaco.

Wararka Muqdisho laga helayana waxaa ay sheegayaan in magaalada Gaalkacyo uu ku soo wajahan yahay Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug una socda dhexdhexaadinta Puntland iyo Galmudug.

22-kii bishan ayaa waxaa halkaasi ka dhacay Dagaal Qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaana Halkaasi ku dhintay tiro dad oo ka badan 5-qof halka intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Comments are closed