“Shacabka Iyo Salaadiintuba Waxay La yaaban Yihiin Dadkii ay Hogaaminta dalka ku aamineen,Anagu Wada hadaladda Waanu ka qayb galaynaa” Boqor Buur madow DAAWO
Hargaysa 27.Nov 2015 (SDN/QJ):- Boqor Aw Cismaan Maxamud “Buur madow” ayaa Cadeeyay in Madax dhaqameedka Somaliland ay xaq u leeyihiin inay Siyaasada Somaliland door ku yeeshaan.
Waxa uu Nasiib daro ku sheegay in Shacabka Somaliland iyo Hogaanka dhaqankuba ay Quus ka joogaan Cidii ay hogaaminta dalka u doorteen, Waxa uu Xusay in Saaxada Siyaasadeed ee dalka loo ekaysiiyey Sida Eretria.
Sidoo kale Boqor Buurmadow ayaa taageeray afhayeennimadda Suldaan Xiiray oo ay horre u dhaliileen Salaadiin ka mid ah Somaliland