|

‘’Somaliland waxa ay Luntay Markii Inamadii Gaaladu wax soo bartay ay Yidhadeen waanu u Talinaynaa..’’ Boqor Buurmadow

Hargeysa,26Nov,2015(QJ/SDN)-Boqor Cismaan Aw Muxumuud (Buurmadow) Ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu mudooyinkii u danbeeyey uu safar ugu maqanaa qaar ka mid ah wadamada dibadda.

Boqor Buurmadow oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey xubno badan oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland , xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo masuulyiin kale.

Boqorka oo warbaahinta kula Hadley qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyey madax dhaqameedka sida diiran u soo dhaweeyey.

Mahadnaqaas ka dib waxaa uu boqorku si adag uga Hadley isla markaana uu u sacabo tumay wararka sheegaya in xukuumada tukrigu ay wado qorshe ah in wada hadaladii Somaliland iyo somaliya loo bedalo wada hadalo dhex mara labada madax dhaqameed ee labadaasi dal Waxaa uu sheegay in madax dhaqameedku ay ugu tudhaalo badan yahiin dalka siyaasiyiinta arintaasi ka Hadley.

Sidoo kale waxaa uu Boqorku uu duray isla markaana hadalo maahmaahyo kaga fal celiyey qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland oo arintaasi ku sheegay in ay tahay mid xaraan ah waxaa uu madax dhaqameedkaasi ku fasiray qaar aan indhahu u dilaac saneen isla markaan qaar ka mid ah hotelada hargeysa Geesna u dhaafin.

Ugu Horayn waxa munasibadaasi Ka Hadlay Soona Dhaweeyey Boqorka Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Waxan Yidhi Boqor soo dhawayntaada waxa u diyaara badi madaxdhaqmeedki Somaliland oo dhan Laascaanood Ilaa Boorame ayaa looga yimi sharaf iyo cisi ayuu Dalkani kuu hayaa dhamaantayo waxanu ku leenahay soo dhawoow.

Dhiniciisa waxa isna halkaasi ka ka mahad-celiyeey soo dhawaynta loo sameeyay Boqor Buurmadow Waxan Yidhi “ Marka hore waxan u mahadnaqayaa dhamaan saliidiinta sharafta iyo cisiga leh ee saaka saaka halkan igu soo dhaweeyey, Dalka intaan ka maqnaa wax badan ayaa is badalay .

Boqorka oo ka hadlaaya Doorka ay bulshada ku dhex leeyihiin Madaxdhaqmeedku Waxan Yidhi “ Dadka qaar ayaa yidhaa Madaxdhaqmeedku maxaa siyaasada uga hadlayaan dadkaa waxan leeyahay madaxdhaqmeedku waa ragii waxa la qortay Caalamka ee Dalkan Ingiriis Ka Xoreeyay Weeyaan ee dalkani in aanu dhaxal wareegin ka ilaaliyey weeyaan, Somaliland waxa ay luntay markii inamadii Gaaladu wax soo bartay ay Yidhadeen waanu u talinaynaa .

Boqor buurmadow oo Xukuumad Dhaliilayaa Ayaa Sido Kale Yidhi “ Siyaasiyeenteenu waan ka xumahay in ay dalkeena u eekaysiiyaan Elatariya oo safaaradii inugu soo dhiirta ee dalkeena timaada aynu eegnaba si kale u eegno Nin Xisbi ka tirsan ayaa hadalay Dadkeenuna Waxa aad moodaa in durbaan loo tumaayo deedna ay dhan u wad ayaacayaan.

Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ waxan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo Horta ma jirto Madaxdhaqmeed uu turkigu La Soo Hadlay ama uu la soo xidhiidhay xildhibaanadii qaranka ee sharciga samaynaayay ayaa yidhi safaarada hala weeraro Taasna waa Nasiib Daro Ka Qarnka Ku habsatay .

Waxa kale oo aan sheegayaa Suldaan Xiiray Anaga Madaxdhaqmeed ahaan Afhayeenkayaga Wuu noo yahay waxan leeyahay suldaan xiiray inta ay is ciyaar yaqanaan ayuu afhayeen u yahay

123

4

6

 

7

8910111213

Comments are closed