Khasaaraha Dhaawac iyo Dhimasho Ka Dhalatay Baabuur Magaalada Burco Kusoo Dhaweynayay Isbahaysiga KULMIYE
Burco,26Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Baabuur, kaas oo ka mid ahaa gaadiid tiro badan oo soo dhaweynayay Isbahaysiga Dimuqraadiga ee Xisbiga Kulmiye, Kuwaas oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Ugu yaraan hal ruux ayaa lagu soo warramayaa in uu ku geeriyooday tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacantay, ka dib markii uu qallimay gaadhi nooca raaxada ah oo ka mid ahaa dad tiro badan oo soo dhaweynayay Garabkii Xisbiga kulmiye ee isku magacaabay Isbaddel doonka xisbiga Kulmiye.
Warariyayaasha ku sugan magaalada Burco ayaa soo sheegaya in Khasaaraha halkaasi ka dhashay uu intaas ka badan karo, iyadoo dhawaacii loola cararay Cisbitaalka Weyn ee magaalada Burco.
Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Kala Soco Halkan Insha Allaah.