|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu Dhigiisa Jabuuti La Yeeshay DAAWO

Jabuuti,25Nov,2015(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa magaalada Jabuuti kulan kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti. Wasiirka ayaa sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen kor u qaadista cilaaqaadka labada wadan ee dariska ah.

Wasiir Sacad wuxuu sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga arrimaha ammaanka, dhaqaaalaha iyo xidhiidhada kale ee labada dhinac. Waxa uu sheegay in labada dal midba midka kale saamaynayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale bookhday xarunta safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, halkaasi oo madaxda safaaraddu ku soo dhawaysay wasiirka, islamarkaana uu saxaafadda kula hadlay.

 

Comments are closed