C.rashiid Xasan Mataan Maxay Isku aragti ka Noqon waayeen Murashax Jamaal Cali Xuseen,Xisbiga Waddani ma Ku Biirayaa Iyo Asbaabaha dhabta ah ee uu Sheegtay inuuu Isu Casiley !! Waraysi DAAWO
Hargaysa 25.Nov 2015 (SDN/QJ):- Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan oo Doraad iska Casilay Murashixii Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga Ucid ayaa Markii Kowaad si faahfaahsan uga waramay Sababaha ku dhaliyey inuu iska Casilo Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga Ucid.
C.rashiid Xasan Mataan Wuxuu Waraysi uu siiyey Telefishanka HCTV uu ku soo Taxay Hadimooyin uu sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku hayo Xisbiga Ucid ee uu Murashaxa ka ahaa,Waxaa kale oo uu sheegay in Murashax Jamaal ay ku kala duwanaadeen Markii uu dalbaday in Hadaladii Gudoomiye Faysal Xalkeeda lagu dhameeyo Maxkamad,taas oo ay Jamaal kala aragti ku noqdeen.
Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan Wuxuu Shaki Geliyey Inuu ka dhex tartami doono Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Isla markaana uu Halgankiisa Siyaasadeed Halkaas ka sii ambo qaadi doono.