Qumbacashada Ucid,Damaca Isbedel Doonka Xisbiga Kulmiye,Iscasilaadda Cabdirashiid, Jawaabta Faysal Iyo Wadhafka Jamaal
Burco 24.Nov 2015 (SDN/QJ):- “Oktoobar waxa bilaabmay afduubkii xisbiga Kulmiye oo laba weji ahaa, kii hore wuu soo dhamaaday, kii labaadna waa kan Faysal Cali Waraabe loo…”
In kasta oo maalmihii u danbeeyay-ba ay iska soo daba dhacayeen wararka sheegaya in garabkii is bahaystay ee xisbiga kulmiye ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee ucid, ayaa waxaa soo if baxday xog laga helay dhinaca Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo sheegaya in heshiis qarsoodiya uu magaalada burco kula saxeexday siyaasiyiinta Xirsi cali xaaji xasan, cabdicasiis maxamed samaale iyo maxamed biixi yoonis, gudoomiyaha iyo sadexdan siyaasi ee dibad wareega ka ah xisbigii iyo xukuumaday hore uga wada tirsanaan jireen.
Ma Jiro War cad oo Labada dhinac ka soo baxay hasa yeeshee Tibaaxo Wareed ayaa Sheegaya in dhaqaale buuran ay Isbahaysigani ku darsan doonaan Xisbiga Ucid Taas oo la sheegayo inuu dalbaday Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Xogo wareedkani waxay xusayaan in Wasiirkii hore ee madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan oo isagu gudoominayay kulankaasi inuu u sheegay Gudoomiye Faysal Mawqifkooda rasmiga ah ee Siyaasadeed Maadaama Duufaano Siyaasadeed kaga dhaceen Shirkii Xisbiga Kulmiye ee lagu cumaamaday Murashax Muuse Biixi Waxaaa kale oo wararku intaasi ku darayaan inuu isbahaysiga hor dhigay 12 qodob oo uu doonayo inay kula shaqeeyaa, taas oo ay ka mid tahay inay ka dhex tartamaan golaha dhexe ee xisbiga ucid,Maadaama qaanuun ahaan Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid aanay ku dooran Murashixiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga Ucid u Metelaya Doorashooyinka Madaxtinimo.
Geesta kale Is Casilaadii Shalay ee Murashaxii Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga Ucid C.rashiid Xasan Mataan ayaa Iftiimisay Qorshayaal lagaga Takhalusayo Murashixiinta Xisbiga,Tibaaxa la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye uu ka Mid yahay Shakhsiyaadka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Calmaday, Maadaama uu Yahay Siyaasi Miisaan Culus ku leh Saaxada Siyaasada Somaliland Wax badana ku soo kordhin kara hadii uu Noqdo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga Ucid.
Labada musharax ee xisbigaasi u tartamay oo kala ah Murashax Jamaal Iyo C.rashiid oo Shalay is Casilay iyo Gudoomiye Faysal ayaa ka hor intii aanu Khilaafkani Cirka isku Shareerin Waxay yeesheen dhawr Kulan Kuwaas oo aanay Wax natiijo ahi ka soo bixin, Isla markaana lagu kala Kacay,taas oo keentay in musharixii madaxweyne ku xgeenka xisbigaas, C/rashiid Xasan Mataan uu si rasmiya ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinadiisii xisbiga ucid Isagoo Xil ka Tegidiisa ku Sababeeyay “Khilaafka Ucid wuxuu la kowsaday soo bixidiisii, wuxuu keli ku ahaa Gudoomiye Faysal iyo murashax Jamaal Cali Xuseen, xisbiga Waxa maalin walba la jarayay xidid iyo xubin ka mid ah. Dabayaaqadii bishii Oktoobar waxa bilaabmay afduubkii xisbiga Kulmiye oo laba weji ahaa, wejigii hore wuu soo dhamaaday, wejiga labaadna waa mid loo adeegsanayo Faysal Cali Waraabe burburinta xisbiga Ucid, si aannuu u noqon mid tartan lagu geli karo, markaa guuxa iyo shirarka aad maqlayseen ee aanay wax ka soo bixini waxay ahaayeen, bal in laga badbaadin karo xisbiga burbur, iyadoo si sharciya loo raadinayo iyo iyadoo mid dhaqan lagu raadinayo labadaba.”
Cabdirashiid wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi;“Waxa qormaysa taariikh, Faysal laba jeer oo hore ayuu tartamay, labadaba wuu guuldaraystay, taariikh fiican bay u noqon lahayd in sidii uu heshiiska ku galay uu daacd u noqdo una fuliyo, hase yeeshee wuxuu ka door biday taariikh madaw iyo khiyaamo, isagoo loo adeegsaday inuu si rasmiya u xabaalo xisbiga Ucid oo noqonaya xisbigii labaad ee intii Kulmiye taladda hayay la burburiyo. Waxaan tacab badan geliyay, sidii xisbiga Ucid u noqon lahaa xisbiga badbaaddada Somaliland, waxaanse ka xumahay in aan xisbiga laftiisa ka badbaadin kar waayo shirqool uu qayb ka yahay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, isla markaana aanu isku aragti ka noqon waynay Murashax Jamaal Cali Xuseen badbaaddada Ucid, markaa anigu qof ahaan waxaan ku qancay, in aanan waqti intaa ka badan ka sii lumin Karin taageerayashayda ku qanacsanaa hogaamintayda, waxaanan si rasmiya ugu dhawaaqayaa in aan gebi ahaanba kala baxay murashnimadaydii iyo xubinimadaydiiba xisbiga Ucid.”
Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa jawaab ka bixiyay iscasilaadda Cabdirashiid iyo eeddaha uu u jeediyay isaga shakhsiyan.“Xisbiga waa la qiimaynayaa, waa la is dul taagayaa, yaa soo saari kara, yaa musharax xigeenka ku soo bixi kara ee xisbiga soo saari kara, hawshaas ayaa la galayaa, markaa waxaanu malaynayaa in Cabdirashiid ka baqday in lala tartami doono ama la caqabadayn doono oo aanu xisbiga taageero iyo dhaqaale midna aanu keenayn.”
Dhinaca kalena gudoomiye faysal cali waraabe oo hore warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in xisbiga ucid uu ku soo dhaweynayo cid walba oo uu u arko in dalka iyo dadkaba ay dan u tahay,
Magaalada Burco waxaa ka socda Kulan Duceedyo u dhexeeya Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Xubno ka mid ah Hogaanka Xisbiga,Lama Garanayo Halka ay Rasmi ahaan Saldhigi Doonto Khilaafkan soo kala dhex galay Xisbiga Ucid,Kaas oo u Muuqda Mid keeni doona in Labada dhinac ee Ku hirdamayaa ay Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ku kala Calaf Qaadaan.