|

Warbixin Maqal iyo Muuqaal ah oo Gudi Hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee G.Wakiiladu soo Bandhigayaan Iyo Siraha qarsoon ee Bedka ay soo dhigayaan

Hargaysa 24.Nov 2015 (SDN/QJ):- Gudidi Hoosaadka Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranka Oo Maalinta Beri Ah Kusoo Bandhigi Doona Hotalka Maansoor Warbixintii Ugu Miisaanka Cuslayd Abid Gudi hoosaadka ilalainta iyo dabagalka hantida qaranka oo ka mid ah 10 gudi hoosaad ee uu koobsado golaha wakilada Somaliland.

12203957_969278096452504_1555387779_o1-310x165
Waxa maalinta beri ah lafilayaa inay kusoo bandhigaah magaalada hargeysa warbixintii ugu horeysay ee nooceedaa oo iskug jirta maqal iyo muuqaal oo ay kazoo ururiyeen 9 gobol oo kamid ah gobolada waa weyn ee dalka, Warbixintan oo mudo kabadan todobaad ay ku raad joogeen helida xogteeda oo ay kazoo ururiyeen kulmo qaatay wakhtibadan oo ay xafiisyadooda kulasoo qaateen masuuliyinta maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolada iyo degmoodyinka dalka , Waxaan munaasibadan beri goob joog ku noqonaya shirgudoonka golaha wakilada Somaliland ,ku dhawaad 80 mudane oo isugu jira xildhibaanada golaha wakilada iyo xildhibaanada aqalka odayaasha ee guurtida badhasaabada gobolada dalka oodhan qaar katirsan maayirada magaalooyinka waaweyn iyo xubno matalaya golaha wasiirada badi agaasime yaasha guud ee wasaaradaha dalka.

Halkaas oo lagusoo ban dhigi doono sirta ku duugan baahiyaha ubaahan daboolida ee haysta isuduwayaasha gobolada dalka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) gudoomiyaha gudida oo ay weheliyaan xubnaha gudidaasi kamid ka ah ayaa la filayaa inay halkaas kusoo ban dhigaan waxyaabo farabadan oo ka fajiciyay intii ay socdaalka isugu jira guuraynta iyo garab carawga iyo kalahaada ay ku marayeen gobolada iyo degmooyinka dalka Muuqaalada siraha ku duugan wasaaradaha ban- fadhiga ah iyo kuwa dhaqaajiyay shaqooyinkooda ee gudidu soo aragtayna waxaan idin kusoo gubin doona dhawaan yagoo magal iyo muuqaal ah

 

 

Comments are closed