Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa U Diray Digniin Dhanka Amniga Ah
Washington,24Nov,2015(QJ/SDN)-Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniino dhanka safarka ah oo ay u jeedineyso muwaadiniinteeda taas oo uu Mareykanku sheegay in uu ugu jawaabayo Khataro xagga amniga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay xog ku heshay in Ururrada Daacish , Al-qaacida, Boko Haram iyo ururo kale oo ay doonayaan in weeraro ay ka geystaan dowr meel.
Digniinta Washington kasoo baxday ayaa jiri doonta tan iyo 24 February 2016, si looga hortago in muwaadiniin Mareykan ah la waxyeeleeyo.
Dalalka France, Russia, Mali iyo wadamo kale ayaa bishaan marti galiyey weeraro dhiig badani ku daatay.
Mareykanku waxa uu sheegay in hadda aysan si gooni ah u xusi karin in muwaadinnita Mareykanku ay yihiin bartimaameedka saxda ah ee dadka doonaya in ay wax dilaan.
Digniinta Washington ayaa imaaneysa xili dalka Belgium uu gaadhsiiyey meeshii ugu sareysay oo ah feejignaan dhanka ammaanka.
Ugu danbeyntii, Wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa hadda cabsi weyn ka qaba in dalalkoodu ay ka dahcaan mid la mid ah dhacdadii Paris halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad kabadan 130 ruux oo u badnaa dad caweynayey.