|

Dawlada Turkiga oo Sheegtay Inaanay Qorshe Kale u Rarin Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya

Hargaysa 23.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dawlada Turkiga ayaa ka hadashay wararka sheegay in ay waddo qorshe ku saabsan wada hadalkii Somaliya iyo Somaliland oo madaxdhaqameed lagu bedelayo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hargaysa ee qunsulka guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel ayaa sheegay inaanay warkaa waxba ka jirin
Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska qunsulka guud oo uu ku saxeexan yahay Muzaffer Yüksel  nuqul ka mid ahina soo gaadhay Shabakada Qurbejoog ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi ay baahisay warbaahinta maxaliga ahi.

“Aniga oo ku hadlaya afka dawladda Turkiga, Qunsuliyadda Turkigu waxa ay ogaysiinaysaa bulshada reer Somaliland in warkaasi kusoo baxay saxaafada maxaliga ahi dulucdiisuna ahayd “Af hayeenka Salaadiinta Somaliland oo xaqiijiyey in ay ka qayb galayaan wada-hadaladda Turkigu dhexdhexaadinayo” in warkaasi aanu ahayn mid sugan isla markaana yahay mid marin habaabin ah.Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxa lagu sheegay warkan ka soo baxay xafiiska qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel in haddii aanay dawlada Somaliland ka codsan arimaha wada hadalada in la bedelo aanu Turkigu wadan qorshe kale.

“Wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland umana qorsheysna in ay talaabadaasi qaado mustaqbalka haddii aanay dawladda Somaliland ka codsan”ayaa lagu yidhi warka qunsulka Turkiga ee Hargaysa Mr Muzaffer Yüksel

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanay bulshada Somaliland dheg u dhigin wararka aan sida rasmiga ah uga soo bixin dawlad Turkiga.

“Waxaanu jeclaan lahayn in aan bulshada reer Somaliland dhag u dhigin war aan si rasmi ah uga soo bixin Dawladda Turkiga.

Mar labaad, waxaanu salaan diiran u diraynaa, isla markaana jecelnahay in ay guuleystaan bulshada reer Somaliland” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadkeedaasi.

Warbaahinta gudaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay baahinaysay warar sheegay inuu Turkigu wato qorshe lagu bedelayo wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya oo dhinaca madaxdhaqameedka loo rarayo.

Halkan Hoose Ka Akhri Warsaxaafadeedka uu Qunsulka Turkiga ee Hargaysa  Mr Muzaffer Yüksel uu soo Saaray.

dd

Comments are closed