Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka Somaliland Oo Qaadacay Qorshaha Turkiga Ee Shirka Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya DAAWO
Hargeysa,23Nov,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland ayaa ka hadlay shirka Turkigu qorsheeyay ee ah in madaxdhaqameedka Somaliland metelaan Somaliland wada hadalna la galaan madaxda dhaqanka Soomaaliya.
Madaxdhaqameedkan ayaa ka sakow deedafaynta shirka Turkiga waxay deedafeeyeen hadalkii ka soo yeedhay Suldaan Xiiray oo ku hadla afka dhaqanka Somaliland, balse waxay sheegeen inaanu afkooda ku hadli Karin, maadaama aanay jirin madal bahda dhaqanku iskugu timid oo ay afhayeen kaga dhigatay Suldaan Xiiray.
Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay inaanay ka qayb galayn “Maaha markii ugu horeysay ee uu Turkigu qadiyadan soo dhiraadhiriyo,halkan waxa noogu yimid wefti marka horeba qorshaha Turkigu lahaa oo Xassan Sheekh daba wada ka waday nimanmkaa aan dawlada lahayn ee Amison ilaaliso” ayuu yidhi Suldaan Suldaan Xassan.
Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi waxa uu sheegay inay qalad tahay in la is barbar dhigo Somaliland iyo Somaliya isla markaana ardaayo loo kala jajabiyo.
“Maaha in Somaliland oo qaran ah oo intaasi soo jirtay ardaayo loo eego marka horeba sharci maaha,shaqsi waxbaan ka hadlayaa leh oo madaxdhaqameed ayaan ahay leh ma jirto,meel aanu cid u wakiilanay ma jirto,meel Salaadiin iskugu timid oo ay cid u wakiilatay ma jirto” ayuu markale yidhi Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan
Waxa isaguna goobtaasi ka hadlay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah dhaqanka Somaliland, isagoona sheegay in shirkaas waxba ka jirin isla mar ahaantaana dadweynaha Somaliland ay nabadgalyadooda Ilaashadaan ‘’Waxaanu Leenahay Dadweynahayaga iyo shacabkayaga waxba kama jiraan (shirka madaxdhaqmeedku ka qayb-galayso) ee nabad galyadiina ilaashada dalkiinana ilaashada, cid aan ILLAAHAY ahayn oo maanta idin doonaysaana ma jirto, ama Koonfur ha ahaato ama Galbeed ha ahaato ama Woqooyi ha ahaato, cid aan ILLAAHAY ahayn oo idin rabtaa ma jirto, innagu aan u midowno dalkeenna, nabadgalyadeenna iyo shacabkeenaa silcaya ee darayaysan ee meel walba ku daraysan ee dhibaataysan aan u midwono innagu ka dhaqan ahaana xilkeenii weynu gabnay innaguna shir degdeg ah aanu galno oo aynu aayaheena ka tashanno..’’ ayuu yidhi Boqor Raabi.
Halkan Hoose Ka Daawo, Shirka Jaraa’id Ee Madax-dhaqmeedkaasi :
QJ/SDN: Hargeysa