‘’Bajatka ku baxaya Mashruuca Wadada Cad waxa weeye 5,572,000 Oo Dollar..’’Aqoonyahan Cali Sanyare Oo Ka Warramay Halka Uu Marayo Mashruuca Wadada Cad
Washingtonn,23Nov,2015(QJ/SDN)-Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland ahna Guddoomiyaha Mashruuca Wadada Cad Cali Ibraahim Sanyare ayaa waxa uu ka warbixiyay halka uu marayo mashruuca dhismaha wadada Cad isagoo Jooga Dalka Maraykanka.
Mudane Cali Ibraahim Sanyare oo u warramayay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA Ayaa sheegay in mashruuca wadada cad uu meel wanaagsan marayo isla markaana waxa uu sheegay in wadada Cadi ay ka koobantahay 66.5KM oo ah Hargeysa illaa Ina-Guuxaa. Sidoo kale Cali Sanyare waxa uu xusay in dhaqaalaha ku baxaya wadada nintaas leegi uu yahay Qiimo dhan 5,572,000 Oo Dollar.
‘’Wadadu waxa weeye 66.5KM, marka laga bilaabo Hargeysa illaa ina-Guuxaa oo xadka Itoobiya ah, waa waddo dheer, waa waddo dowladuhu u amaah tagi jireen oo world Banka lacag looga raadin jiray, Bajatka ku baxaya waxa weeye 5,572,000 Oo Dollar, Hadda waxa qorshaha waddadu uu yahay oo loo kala qaybiyay saddex weji , weijgii hore iyo kii labaadba wey dhamaadeen, wejigaa hore wuxuu ka bilaabmayay Hargeysa koonfurteeda Airport-ka dibeddiisa ilaa Toon oo 13KM ayuu ahaa. 13KM wey dhamaadeen, Haddana Wejigii labaad oo TOON ilaa Qoolcaday ah oo 21KM ah ayaa isaguna Hadda dhamaaday..’’ ayuu yidhi Cali Sanyare
Dhanka kale, Cali Sanyare waxa uu xusay in dadka deegaanku ay yihiin kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay wadadan, balse aanay xukuumadduna ka madhnayn meesha oo ay iyaduna qayb ka tahay dhismaha wada cad.
Cali Sanyare oo hadda ku sugan dalka maraykanka gaar ahaan magaalada Washington ayaa waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee uu halkaasi u tagay ay tahay dhaqaale uu u ururinaayo dhismaha mashruuca wadada cad
Ugu danbeyntii, Mashruuca Dhismaha Wadada Cad ee Hargeysa illaa In-Guuxaa oo ka kooban 66.5KM, ayaa hadda la dhameystiray dhismaha 34KM oo laami ah.
Si kastaba ha ahaatee, Mashruucan wadada Cad ayaa waxa uu ka mid yahay mashaariicda Horumarineed ee shacabka iyo xukuumadda Somaliland ay iska kaashadeen kuwaas oo guud ahaanba ka socda dalka.