|

‘’Facebook iyo Chatting Siyaasi laguma noqdo..’’ Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Iscasilaadda Cabdirashiid Xassan Mataan

Hargeysa,23Nov,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe ayaa ka hadlay is casilaadda murrashaxii madaxwayne ku xigeen ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo sheegay inuu xisbigaasi uga tagay guddoomiyaha xisbiga Oo Burburinaya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u waramayay Idaacadda  Codka Maraykanka ee VOA ayaa sheegay inaanu xisbiga UCID taageero iyo dadaal midna siinin.

“Xisbiga waa la is qiimaynayaa,waa la is dultaagayaa hawshaasi ayaa la galayaa,waxa uu ka baqayn uun in xisaabin doono hawshii sidii la doonayay aanu u shaqaynin oo aanu xisbiga taageero,dhaqaale iyo dadaal midna aanu siin”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu beeniyay inuu khilaaf soo kala dhexgalay isga iyo murrashaxan is casilay, balse uu ka cararayo qiimayn lagu samaynayo masuuliyiinta xisbiga dhexdiisa.Guddoomiye Faysal waxa uu iska difaacay eedaha murrashax Cabdirashiid ee ahaa inuu xisbiga baabiinayo.

“Arintaasi waxba kama jiraan inuu khilaaf jiro wuxuu ka cararay uun waa la is qiimaynayaa,arintii way is bedeshay,wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto,aniga ayaa la qiimaynayaa inaan sii waddi karo iyo in la I bedeli karo,maaha Facebook iyo Chatting laguma noqdo siyaasi,aniga iyo Jamaal ismaanu khilaafin,ma odhan murrashax maaha ,marka doorasho laga hadlayo waa in loo eegaa waar yaa Somaliland iibin karaya,waar yaa dadka isku waddi karaya.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu danbeyntii, Murrashixii Madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xassan Mataan oo maanta iska casilay xilkaasi ayaa guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedayay in uu khilaaf ka dhex abuuraya xisbiga guddihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Iscasilaadda masuulkan ayaa waxa ay daboolka ka qaaday khilaaf muddooonyinkii u danbeeyay soo kala dhex galay hoggaanka xisbiga iyo murashaxiinta doorashada 2017ka u matali doonna xisbiga UCID.

Comments are closed