Nuxurka Xogo Ku Saabsan Socdaalkii Madaxweynaha Ee Berbera iyo Qorshaha Carabta Ee Berbera
Hargeysa,22Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo safar laba maalmood qaatay ku tegay magaaladda Berbera ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay Hargeysa, kadib markuu soo dhamaystay kulamo la tilmaamay inuu halkaa kula yeeshay wefti ka socday dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxtooyadu wax war kamay soo saarin ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ee Berbera, isla markaana waxa keliya ee ka soo yeedhay wuxuu ahaa mid ku tilmaamayay safarka Madaxweynaha mid shakhsi ah. inkastoo warbaahinta qaarkeed faafiyeen in madaxweynuhu halkaa u tegay arrimo la xidhiidha wefti Imaaraadka carabta ka socday oo socdaal ku yimi Somaliland, kuwaasoo u socda arrimo la xidhiidha Madaarka iyo Dekedda, misana madaxtooyadu jawaab ay ka bixisay waxay ku beenisay, wararka sheegayay in la wareejinayo dekedda, taa bedelkeeddana waxay talaabadda Madaxweynaha ku macneeyeen mid gaar ah. Sidaa daraadeed, safarkii Madaxweynaha ee Berbera iyo guud ahaan waxyaabaha ku xeeranba wuxuu Ogaal ka diyaariyay warbixintan.
“Wax waliba waxay u eg yihiin qarsoodi iyo dan gaar ah oo isku deyaysa inay raad gadasho ku marin habaabiso rayul caamka. Taasi waa ta loo arko inay beertay fullaynimadda, kelyo nugaylka iyo kalsooni darrada loo nisbaynayo masuuliyaddan halkay ka waajihi lahayd bulshada uguna sheegi lahayd xaqiiqadda, ka door biday aamuska. Goor horreba waxa soo duushay, markii la ogaaday imaatinka weftiga UAE ee Berbera iyo safarka Madaxweynaha, in booqashadiisu ku lug leedahay ka foolinta mashaariic la xidhiidha Dekedda, Madaarka iyo meelo kale. Kuwaasoo illo kala duwan oo xog ogaal ah oo uu wargeyska Ogaal kala xidhiidhay wax ka ogaanshaha arrimahani, ay tibaaxeen in qaarkood ay weli ku jiraan mergasho, qaarna u muuqdaan in isfaham hordhac ah laga gaadhay, isla markaana qorshaha Imaaraadka oo salka ku haya waxtar iyo doonis damaanad qaad sharci leh iyo sida ay Madaxtooyadu wax u waddaa ay is khilaafsan yihiin, taasina at tahay ta loo aanaynayo baaxaadega dhanka Somaliland.
Xoggahaasi waxay sheegeen, in Madaxweynuhu wada hadal kula yeeshay Berbera weftigaa Imaaraadka, isla markaana ay u socdeen oo ay kala hadleen arrimo la xidhiidha madaarka Berbera iyo saldhig millateri. Xoggahaasi waxay tilmaameen in labada dhinac isfaham ka gaadheen mawduucaa, isla markaana laysla ogolaaday, kiraynta madaarka iyo ogolaanshaha saldhig ciidan oo dalalka carabtu ku yeeshaan Berbera. Waxa kale oo xoggahaasi tusmeeyeen in Imaaraadku doonnayo inuu wax badan ka qabto, isla markaana mashaariic badan oo waxtar u yeelanaya dadka iyo dalka ka sameeyo somaliland, balse ay taasi dhici karto haddii ay wax uga fulaan dhanka madaxtooyadda siday doonayaan oo ah siday xoggahaasi tibaaxeen, in lala galo heshiis damaanad qaad sharci leh oo Baarlamaanka Somaliland ogolaaday. Hase yeeshee, illaa hadda loo arko in aanay taasi muuqan.
Xoggahaa qaarkood waxay tilmaameen, in Imaaraadku uu talaabaddii hore xidhiidh kala sameeyay qorshahan kirraynta madaarka Berbera iyo saldhiga ciidan, maamulka soomaaliya ee Xasan Sheekh, isla markaana ay ogolaanshaha guud ee nidaamka ka heleen Muqdisho, kadibna wixii kale ay ugu talagaleen inay ka dhamaystaan maamulka Somaliland, illahaa qaarkoodna waxay tibaaxeen in taladda Hargeysa lafteedu ay og tahay arrintaa, wakiilka Somaliland ee Imaaraadkuna la tuhunsanyay inuu Xasan Sheekh kula kulmay UAE. Laakiin ma jiraan warar madax banaan oo kala saafaya jiritaanka dhacdooyinkaa.
Dhanka kale xogguhu may iftiimin isfahamka kirraynta madaarka ee la gaadhay nooca uu yahay, muddada iyo xadigga lacagta toona. Sidoo kale rabitaanka saldhiga millateri ee dalalka khaliijka ayaa iyana caddayn nooca uu yahay iyo ciidamadda carbeed ee haddii uu dhamaado iman donna. Laakiin waxay xoggaha qaar mala awaalayaan in ay iman doonnaan ciidamo Masaari u badani. Dhanka kale waxay xogguhu iftiimiyeen, inuu jiray qorshe ilaa sadex boqol oo askari oo ciidamadda Somaliland ah loogu dirayay Imaaraadka si loogu soo tababaro, kuwaasoo goor horeba loo diray dhanka Abu Dubai baasabooraddooda, balse aan war dambe ka soo noqon, haddii aanuu qorshahoodu qayb ka ahayn ujeedooyinkii weftigan, taasoo aan iyana cadayn. Guud ahaan marka laysku soo ururiyo tibaaxahan, waxa loo arkaa in ay socdaan qorshayaal qarsoodi ah oo qasdiga ugu wayn ee laga leeyahayna lagu tilmaamay, danaysi gaar ahaaneed oo sii badhi taara qorshayaasha heensiga iyo xoolaysiga qoyska muddada yare ee u hadhay, taasoo dhanka kalena sii tirtiraysa xisbiga Kulmiye oo haatanba loo arko mid sumcaddiisu dhulka taalo.”
Source: Ogaal