|

Dhismaha Garoonka Diyaaraha Boosaso Oo Heer Gabo-Gabo ah Maraya SAWIRO

Boosaaso 22.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dhisamaha Garoonka Diyaaraddaha ee Caalimaga ee Magaaladda Bossaso ayaa galay qaybtii ugu danbeeysay, iyadoo ay bilaabatay daanbur dhigista gegida ee diyaaraddaha ku ordaan.

Dhismaha Garoonka oo ay gacanta ku hayso Shirkadda loo yaqaan CCECC fadhigeeduna yahay China ayaa lagu wadaa inuu noqdo Garoonka ugu Casrisan Soomaaliya.

Sidoo kale Garoonka Bander Qaasim International Airport ayaa lagu wadaa inuu yeesho terminal cusub oo heer kiisu yahay mid caalami ah.

Waxaa la filayaa in bisha soo socota Ee December la furo Garoonka, taasoo meesha ka saari doonto baahiddii loo qabay Dhinaca Duulimaadka ee Gudaha somaliya iyo Caalamlkaba.

Munaasibadii Lagu Furayay dhismaha Qeybtaasi ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray wasiiro, Xildhibaano iyo Gudiga Dhismaha Garoonka Bandar-qaasim Ee Magaaladda Boosaso.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomadda Puntland Xasan Cadde Oo Goobta Ka hadlay ayaa Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaso, Waxaanna Uu Ku baaqay in la de dejiyo.

215 242 272 421 461 381

Comments are closed