|

Xeer lagu Mamnuucayo Xijaabka amase indho shareerka oo Xukuumadda Cusub ee Canada ay hor joogsatay

Ottawa 22.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Xukuumadda cusub ee dalka Kanada (Canada), ayaa dhawayd dib uga joogsatay ambiil ay maxkamadda sare kaga go’aaminaysay in la mabnuuco gebi ahaan xidhashada niqaamka oo ay isku asturaan haweenka islaamka ah, kaasoo dhawaan golaha sharci-dejinta ee dalkaas sameeyeen.     Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kanada Mr. Jody Wilson-Raybould, ayaa sheegay inuu Maxkamadda Sare u sheegay in dawladiisu dib uga noqotay olole ay ku jirtay oo ahaa ansixinta iyo hirgelinta xeer niqaamka lagu mabnuucaayo.

xijaab1
“Kanada waxa ku nool dad kala gedisan, waana awoodda ay ku fadhido, maanta waxa aannu caddaynayna in muwaadiniinta guulaystay ee murrashaxiinta doorashada dalkaas ay qoysaska Kanada mideeyeen, waxa aannu ku midaysanahay kala duwanaanshaha,” ayuu lagu yidhi War-murtiyeed ay soo saartay Wasiirka Socdaalka ee John MacCallum.   Xisbiga talada dalka Kanada ku guulaystay ayaa ay taageereen dadka muslimiinta ah, kadib markii uu ballanqaaday inuu u ogolanaayo xaqa ay u leeyihiin xidhashada xijaabka ee ay jidhkooda ilaa indhaha ku qariyaan haweenka muslimka ah.

 

Comments are closed