|

Hargaysa: Beer Qoys Kasta oo Cusubi Geed Ku Beerayaan Oo Laga Hirgeliyay Magaaladda Hargeysa

Hargaysa 21.Nov 2015 (SDN/QJ):- Qoys ka mid ah qoysaska caasimadda Hargeysa ee hadda yagleelay gurigooda ayaa  shalay geedkii Jacaylkooda ku beeray beerta lammaanaha qoyska ee Caasimadda Hargeysa oo ku taalla Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.

???????????????????????????????Maxamed Axmed Faarax iyo Suleekha Cabdi Maxamed  ayaa ka hadlay markii ay shalay beerta lammaanaha ku beerayeen laba geed oo ay ugu tallo galeen jacaylka qoyskooda.

“Beerta lammaanaha waxaannu  u nimi in aanu ku beerno  laba geed oo aanu  ugu tallo gallay in aanu u beerno qoyskayaga jiritaankiisa. Waxaa kale oo aanu doonaynaa in aanu kaga qeyb qaadanno dhiraynta dalka gaar ahaan beerta lammaanaha oo xuddun u ah  dhir beerista.waxaanan aad ugu hambalyaynayaa Cabdilaahi oo ah wiil dhalinyarro ah oo isagu keenay fikradda ah in lamaanne kasta oo caasimadda ku soo kordhaa in ay geed beeraan,”ayuu  yidhi  Maxamed Axmed Faarax oo ka hadlayay markii ay Beerta lammaanaha ku beerayeen labada geed isaga iyo ooridiisu.

Waxaa kale oo ka hadlay goobta Beerta lanmaanaha qoyska Cabdilaahi Nabad-doon oo isagu keenay  fikradda ah in laga aasaaso caasimadda Hargeysa Beerta Lammaanaha,waxaanu  ka hadlay ujeedada uu ka leeyahay hindisaha beertan isagoo farriinna u diray Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa iyo Wasaaradaha shaqadda  iyo Deegaanka.

“Horta maanta (shalay) waxaa beernay  qoyskii labaad ee dhir ka beera oo waliba laba geed beeray,waxaan ognahay mar kasta oo guurku bato waxaa tisqaada nabadda oo guurku wuxuu isku xidhaa bulsho aad u badan waxaanad yeelaynaysaa Soddog,Soddoh,Seeddi,Dumaashi. Waxaana isku xidhmaya laba bulsho oo isku cusub mar kasta oo guurku batana waxaa kobcaysa nabad-gelyada.”

Cabdilaahi Nabad-doon oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Dhirtan la beerayana waxaan uga dan leeyahay waa laba ujeedo oo kala ah in guurka la dhiiri galiyo iyo in caasimadda Hargeysa ay hesho dhir ku filan oo magaalada oo dhan la wada dhireeyo, waxaanan ka codsanayaa Dawladda Hoose iyo Wasaaradaha deegaanka iyo shaqadda  in ay gacan ka geystaan horumarinta beerta lammaanaha ee Caasimadda Hargeysa oo ka qayb qaadanaysa dhiraynta caasimadda.”

Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyarro goobta joogtay oo la kulantay qoyska labada geed ku beeray shalay beerla lamaanaha waxaanay u hambalyeeyeen qoyska beerta labada geed ku beeray oo ay ugu duceeyeen in ay noqdaan qoys jira oo  farxad ku naalooda.

Comments are closed