|

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan.

Jubba,21Nov,2015(QJ/SDN)-Dabley hubeysan ayaa waxay Khamiistii la soo dhaafay  jidka u galeen  gaadhi Bas ah oo marayey Jidka weyn ee isku xidha Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba iyo  Degmadda Nimule.

Rakaabka la weeraray  waxay la socdeen Bas ay leedahay Shirkadda Basaska ee Friendship bus, waxaana uu weerarku ka dhacay Deegaanka Moli.

Afhayeenka Milliteriga dalkaasi, Kolonel Philip Aguer ayaa sheegay in ugu yaraan 5 qof lagu dilay Baskaasi oo ku sii jeeda xuduudka dalka Uganda

Waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Koonfurta Suudaan haatan si buuxda gacanta ugu hayaan jidka ay maraan Basaska ku sii jeeda xuduudka Uganda.

Mar uu faahfaahin ka bixiyey Rakaabka lagu dilay Baskaasi ayaa waxa uu sheegay in lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo labo ka mid Soomaali yihiin, Labana u dhasheen Uganda iyo mid u dhashay Koonfurta Suudaan.

Waxa uu tilmaamay inay Rakaab badan firxadeen, kadib, markii ay dabley hubeysan tacshiirad ku fureen Baskaasi, wuxuuna weerarkaasi ku tilmaamay mid Budhcadnimo oo lagu dhacayey Rakaabka.

Comments are closed