|

Warbixin: Cabudhinta Saxaafadda Puntland Oo Korodhay iyo Wariye Maalinkii Labaad Ku Jira Xabsiga Magaalada Garowe

Garowe,20Nov,2015(QJ/SDN)-Labadii sano ee u dambeeyey (2014/2015) waxaa cirka isku shareeray cadaadiska iyo cabudhinta lagu hayo warbaahinta ka hawlgasha deegaanada Maamulka Puntland, arintaasoo hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka iyo madax bannaanida saxaafaddu walaac xooggan ka muujiyeen.

Tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta ee isugu jira xadhigga, cago-jugleynta iyo cabudhiska ayaa kordhay wax ka badan %70 marka loo barbardhigo kiisaskii dhacay (2013/2012).

Sanadkan 2015 oo qudha waxaa la xidhay lix wariye, waxaa shaqada laga joojiyey afar warbaahinood, waxaa la jirdilay saddex wariye tobanaan kalena waxaa loogu hanjabay in la xidhi doono.

Image

Cabudhinta warbaahintu waxay kamid tahay tilmaamaha madaxda Afrikaanka ee siyaasadda ku fashilma kuwaasoo aan aalaaba jeclayn in la sheeg sheego dhaliilahooda.

La mood, Se Noqon Waa!

Ballanqaadyadii tirada badnaa ee Madaxweynaha xilligan ee Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), uu sameeyey xilligii ololaha doorashada iyo markii la doortay kadib, waxaa kamid ahaa in xukuumaddiisu dhiiri gelin doonto xoriyatul qowlka islamarkaana ilaalin doonto madax bannaanida saxaafadda.

Rajo weyn ayaa laga qabay in wax isbedeli doonaan, maadaama bahda warbaahintu waxoogaa dhaliilsanayd qaabka xukuumaddii Madaxweyne Farole ula macaamili jirtey warbaahinta madaxa banaan.

Nasiib darro ballan-qaadkaas isaga ahi ma noqon mid haba yaraatee wax ka hirgaleen, balse taas bedelkeeda waxay xaaladdu isku rogtey “Ka dar, oo dibi dhal”.

Mudaaharaadka wariyeyaasha

Xukuumadda Gaas waxay wax ka bedeshay qodobo kamid ah Xeerka Saxaafadda Puntland  ee la ansixiyey sanadkii 2013.

Qodobada wax laga bedeley waxaa kamid ah qodobka ku saabsan bixinta aqoonsiga shaqaalaha ka hawlgala warbaahinta madaxa bannaan.

Maah maahda “La mood, noqonse waa!” ayaa  waayadan dambe halhays u noqotey bahda warbaahinta Puntland, marka ay cabirayaan fikirkooda ku aadan ballan-qaadkii Cabdiweli Gaas warbaahinta u sameeyey xilligii uu murashaxa ahaa, wixii la filayey iyo sida hadda xaal noqday.

 Xigasho: GaroweOnline

Comments are closed