|

Kooxo Xidhiidh La Leh Shabakadda Al-Qaacidda Oo Sheegtay Weerarkii Radisson Blu Hotel ee Dalka Maali DAAWO

Bamako,20Nov,2015(QJ/SDN)-Koox Islaami ah oo ka hawl-gasha Waqooyiga dalka Mali oo lagu magacaabo Al-Mourabitoun, isla markaana xidhiidh la leh shabakada Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta lagu qaaday hoteel ku yaalla xarunta dalka Maali ee Bamako, kaasoo ay degaan mas’uuliyiinta Ajanbiga ah iyo dalxiisayaasha.

Hadal kooban oo ay kooxdan soo dhigtay bar ay Twitter-ka ku leeyihiin ayay ku sheegeen inay iyagu ka dambeeyaan weerarka, ayna weli ku haystaan dadkii deggenaa Radisson Blu Hotel oo ajnabi u badan.

Sidoo kale, wararka laga helayo magaalada Bamako ayaa sheegaya inay ciidamada Mali oo gacan ka helaya ciidammo Mareykan iyo Faransiis ah ay weli kula dagaalamayaan gudaha hoteelka kooxihii weeraray, iyadoo la sheegay in kooxaha ay weli ku sugan qaybta sare ee hoteelka, halkaasoo ay kasoo tuurayaan mararka qaarkood bambooyin.

Wararka ayaa intaa raacinaya in kooxdu ay hadda afduub ahaan ugu haystaan hoteelka tiro lagu sheegay 133-ruux oo isugu jira dadkii hoteelka deggenaa iyo shaqaalihii hoteelka, tiro kale oo la-haystayaashana ka mid ahaana ay kasoo baxsadeen, kuwaasoo ay 6-ruux oo oo u dhashay dalka Mareykanka.

Halkan Hoose ka Daawo, Weerarkii Maanta lagu Qaaday Radisson Blu Hotel oo ku yaalla Bamako; 

Taliyaha ciidanka Mali, Modibo Nama Traore ayaa u sheegay wakaaladda AP in ciidamadu ay gudaha hoteelka ku jiraan ayna uga saarayaan kooxaha weerarka soo qaaday dabaq-dabaq, isagoo xusay in haatan ay kooxaha hubeysan ku haystaan gudaha hoteelka in ka badan boqol qof oo isugu jira shaqaale hoteelka iyo qaar ka mid ah dadkii deggenaa hoteelka.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan caasimadda Mali ee Bamako ayaa u sheegay warbaahinta in ugu yaraan 27-qof lagu dilay weerarka Radisson Blu Hotel, qaar ka mid ah maydadkoodana ay yaallaan banaanka hoteelka. Inkastoo aan la sheegin dalalka ay u kala dhasheen dadka la dilay.

Dhanka kale, Wasiirka Amaanka Mali, Salif Traore ayaa isagana warbaahinta ugu sheegay magaalada Bamako in 30-qof oo ka mid ah la-haystayaasha ay iskood uga soo baxsadeen hoteelka, tiro kalena ay ciidamadu soo badbaadiyeen.

Milkiilaha Radisson Blu Hotel oo isaguna warbaahinta ula hadlay si kooban ayaa sheegay in lagu haysto hoteelka 125-qof oo ka mid ahaa dadkii deggenaa iyo 13 qof oo shaqaalihii hoteelka ah.

Goob-joogayaal ku sugan agagaarka hoteelka la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay inay weli rasaas culus ka dhacayso gudaha hoteelka iyo hareerihiisa, maydad dhowr ruuxna lagu arkayo bannaanka hoteelka, kuwaasoo ay ku jiraan dad ajaanib ah.

Ugu dambeyntii, Radisson Blu Hotel oo ka kooban 190-qol ayaa ah hoteel caan ah oo ay inta badan dagaan dalxiisayaasha ajaanbta ah booqda Mali, iyadoo la sheegay in tirada kooxaha weeraray hoteelka ay yihiin 10-qof oo qoryaha AK-7-ka ku hubeysan, kuwaasoo ku galay hoteelka laba baabuur oo muuqaal ahaan u ekaa kuwa ay isticmaalaam dublamaasiyiinta ka howlgala dalka Mali, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Bamako.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Ku Saabsan, Weerarka Lagu Qaaday Hutteelka Radisson Blu Hotel;

Somalidiasporanews/Hargeysa

Comments are closed