Kooxda Daacish oo Soo Bandhigtay Banbaanadii ay ku Qarxiyeen Diyaaradii Ruushka Iyo Qaabka Cusub ee loo farsameeyay
Qaahira 20 Nov 2015 (SDN/QJ):-Kooxda Daacish ayaa warbaahintooda ku shaaciyey sawirka Bambaanadii ay kusoo rideen diyaaradii laga lahaa dalka Ruushka oo 31kii Oktoober kusoo dhacday gobalka Siinaay ee dalka Masar.
Kooxdan ayaa sheegatay in ay hawshan u fududeysay nidaam xumada ka jirta Airporka Sharmal Sheikh ee ah halka ay kasoo duushay Diyaarada oo siday dalxiisayaal u dhashay Ruushka oo dalkooda dib ugu noqonayey.
Dowlada Ruushka ayaa Talaadadii markii ugu horeysay xaqiijiyey in bambaano yar lagu soo riday diyaarada, halka dowlada Masar ay sheegtay inay weli sugeyso baaritaanka socda.
Sawirka Daacish shaacisay ayaa ka muuqata in ay u adeegsadeen daasadaha yar ee cabitaanka oo ay sheegeen inay dhexgeliyeen waxyaabaha qarxa isla markaana qarxiyeen markii diyaarada hawada gashay.
Khubarada baara waxyaabaha qarxa ayaa sheegay in sawirka la shaaciyey bambaanada ka muuqata ay awood u leedahay inay burbur ku keento diyaarada.