|

Labadii Mas’uul ee Wakiilka uga ahaa Somaliland Telefishanka Star Tv oo Shaqadii Isaga Tegay Iyo Doorka Xukuumadu ka Ciyaartay Soo Xero gelinta Mulkiilaha Telefishankaas

Hargaysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Agaasimiihii guud ee Telefeeshinka Afka Somaaliga ku baxa ee Star’tv Xamse Cali Bulbul iyo Madaxii wararka Telefeeshinkaas Xasan Maal Dhidar ayaa ka tagay shaqadii ay Tv-gaas ka hayeen.

starLabadan masuul oo muddo kooban horumar gaadhsiiyay daawashada Star’tv iyo dadka ku xidhan oo kordhay, macada ilaa hadda sababta kaliftay banaynta hawshii ay hayeen,   balse warar kala duwan oo ka soo baxay arrintan ayaa sheegaya inuu ka hawl galay Wasiir cusub ee Caadalada Axmed Cadare oo saami maal galineed ku lahaa Tvga , isagoo u yeedhay Mulkiilaha ku qornaa Telefeeshinkaas Maxamed Aadan Koodhaadhi, taas oo lagu heshiiyay in wax laga badalo habkii uu Tv-gu wararka u baahin jiray.

Lama garanaayo sababta uu Wasiirka Cadaaladdu Axmed Cadare wax uga badalay hab dhismeedkii Telefeeshinka intii uu xilka qabtay ee uu wax uga qaban waayay xilka Wasiirka buuxa intii la siiyay ka hor.

Ilaa hadda kamay hadal labadan Wariye ee Xamse Cali Bulul iyo Xasan Maal Dhidar asbaabaha kala duwan ee ay shaqada uga tageen.

Dhinca Kale Warar Lagu Kalsoonayhay  ayaa tibaaxaya in mulkiilaha Tvgan uu kulan xidhiidh ah la yeeshay marwada Madaxweynaha , Wasiirka Cusub ee Cadaalada Mr.Cadare Iyo Wasiirka Cusub ee wasaarda Hawlaha guud Cali Mareexan lamarkaana mulkiilahaasi laga codsadey in Xukuumadu ka iibsaneyso wakhti xaadirkan qeyb kamid ah lahaanshaha Talafishanka Star si uu u xadido sii deynta Wararka lidka ku ah Xukuumada oo ay qeyb ka yihiin Haamaha Shidaalka iyo Dekedda Marsada weyn ee Berbera oo Ay xukuumadu rabto in ay wareejiso

Comments are closed