”Horta Somaliland Way Go’aansatay Inay ka Go’do Somalia,In la Yidhaahdo Odayaal baa Wada Hadlaya Waa Shaqo Siilaanyo” Eng Maxamed Xaashi Cilmi DAAWO
Hargaysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ku dooday in Somaliland iyo Somalia ay kala go’een wakhti hore Waxaanu xusay in Wararka sheegaya in Salaadiin ka socota Labada dal ee Somaliland iyo Somalia ay sii ambo qaadayaan Wada hadaladii u dhexeeyay labada Wadan Mid Mugdi Gelinaysa inay Ummada Somaliland ka dhab tahay Waxa ay u halgamayaan.