Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Adduunka u bandhigay qorshe dib loogu mideynayo Hargeysa & Muqdisho iyo waxa uu ka aamisan yahay Tabashada Reer Somaliland
Ottawa, 20 November, 2015-(SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, imikana ah Madaxa Waaxda horumarinta Beeraha ee Baanka Islaamka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shaaca ka qaaday Nidaam cusub oo la doonayo in la iskugu soo dhaweeyo Shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya oo kala tirsanaya dhibaatooyin badan oo dhacay xilligii uu dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ka talinayey Maxamed Siyaad Barre.
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo khudbad dheer ka jeediyey kulan ka dhacay Magaalada Ottawa ee dalka Kanada, ayaa sheegay qadiyadda Gooni-isku-taagga Somaliland ku sifeeyay Siyaasad kooban oo ay ku shaqeystaan dad doonaya inay ka qayb-qaataan Xukunka Soomaaliya, laakiin aanay jirin wax weyn oo Shacabka Somaliland ka tirsanayaan dhiggooda Soomaaliya.
Dr.Beyle, waxa uu sheegay haddii ay jirto dhibaato Shacabka Somaliland ka sheeganayaan kuwa Soomaaliya aanay dadka reer Hargeysa qaarkood tageen Magaalada Muqdisho isla-markaana kuwo Reer Boorama aanay Magaaladooda daggeen, waxaanu meesha ka saaray Xasuuqa reer Somaliland ka sheeganayaan reer Soomaaliya inay u geysteen siddetamaadkii.
“Adduunka waxa jira dalal laba ama saddex maalmood madaxa laga jaray Malaayiin qof sida Ruwanda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo Xasuuqii ka dhacay Ruwanda barbar-dhigaya ka reer Somaliland ka sheeganayaan Soomaaliya, “Annaga Galbeedka marka la isleynayo waxa la yidhaahdaa ‘Abti ka gabbo’ waayo? wuxuu garanayaa ka dhinaca kale soo fadhiya, iyadoo Maalin dhan Xabaddu dhacaysay ayuun baa la odhan laba qof baa dhintay. Markaa waxba la iskuma haysto ee waa niman doonaya intay waxooga jeebka soo gashadaan kula xukumaan, haddayna taasi jirin kuwa Boorama u guurey baan u guureen, kuwa reer Hargeysa ee Muqdisho jooga ayaan yimaaddeen, markaa waa siyaasad yar oo kooban.”
Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu Sharraxay sida uu doonayo in la iskugu soo dhaweeyo reer Somaliland iyo reer Soomaaliya, “Waxaan damcay in la wada hadlo waxaana (wada hadlaya) Wasiirrada oo waxa laga sheekaynayaa wixii ummadda Soomaaliyeed soo maray 25-kii sanadood ee u dambeeyay, wax walba waa laga wada hadlayaa oo dhacay markaas ayaa hadalkaa lagu dawoobayaa oo la is wada saamaxayaa. Markaa ka dibna waa in la samaysto hab la isku maamulo oo dalku iskugu furnaado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in si hawshaa loo fuliyo ay dawladaha adduunka qaarkood ka codsadeen inay ku bixiyaan Malaayiin dollar, “Mashruucaa waanu samaynay oo waxaanu u dirnay Dawladaha qaarkood oo aanu ku nidhi ku bixiya shan Milyan oo dollar.”
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee aamisan Mabda’a Midnimada Soomaaliya.