Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Socdaal Khaas ah ku Tegay Magaalo Xeebeedka Berbera,Iyo Dareenadda Ku Xeeran DAAWO
Hargeysa 19.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Socdaal Khaas Waxa uu Maanta ku tegay Magaaladda Berbera.
Magaalada Berbera ayaa noqotay Magaalooyinka Kacdoonadda Siyaasadeed kaga Furan Yihiin Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, Mucaaridadaas oo ka dhalatay Qorshihii ay Dawladu ku Wareejisay Maamulka Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera, taas oo ka Cadhaysiisay Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Lama Garanayo Socdaalkan Khaaska ahi Waxa uu ka bedeli doono daruuraha Mucaaridnimo ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka haysta Gobolka Saaxil iyadoo uu Marar kala duwan si Shakhsi ah u tegay Magaalo Xeebeedka Berbera.