Dabley Weerar ku Qaaday Guriga uu Laascaanood ka Degen Yahay Xildhibaan Dhakool oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda DAAWO
Laascaanood 19.Nov 2015 (SDN/QJ):- Taliye ku Xigeenka Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Gaashaanle Yaasiin Maxamud Cabdi ayaa Maanta ka warbixiyey dablay  hubaysan oo xalay weerar ku qaaday Guri uu leeyahay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiiladda.
Xildhibaan Dhakool ayaa Warku sheegayaa inuu Xiligii Weerarku dhacay uu Ka Maqnaa Guriga balse ay Ku Sugnaayeen Haween Iyo Caruur Ilaa iyo haatan lama aqoonsan Dablaydan inkasta oo Boolisku sheegay inay dhawr qof oo Falkan ku eedaysan Gacanta ay ku soo Dhigeen.