|

Afo Mise Addoon?!! = W/Q: Khaalid Maxamed Cabdi

Khaalid MaxamedEebbaa mahad leh, nabibaa ammaan leh NNKH, guurbaa naaganshiiyo leh, nololbaa wadaag leh, oori baa sharaf leh, say baa ixtiraam leh, ubadbaa daadahayn leh, dulqaadbaa milgo leh, is fahanbaa samaan leh, arrinbaa talo leh, aqbalbaa gudoon leh. Intaa ka dib.

Qormadan waxa aan si kooban ugu eegi doonnaa guurka micnihiisa guud iyo arragtida aynu ka haysano. Si gaar ah waxa aan ugu eegi doonnaa xidhiidhka ka dhaxeeya oorida iyo saygeeda iyo qaab dhaqanka ragga ee xaasaskooda. Guurku waa heshiis ka dhaxeeya lab iyo dhadig, kuna dhisma qaab sharci ah. Waa ogaanshiyo qoyska iyo masuullada labad qof  iyo ogolaanshiyo labada qof  laftooda. Waa is fahan iyo isu tanaasul, waa is ixtiraam iyo is dhawrid, waa isu naxariisasho iyo isu tudhid, waa wada tashi iyo iska warhayn, waa is dhiirrigalin iyo is garabsi, waa iska farxin iyo is dhagaysi, waa laab xaadhnaan iyo waji furnaan, waa hawl wadaag iyo hanti wadaag. Guurku waa saaxiibtino iyo isgarabsi dhex mara laba qof oo is aaminay oo mid waliba u ordayo una heellan yahay badhaadhe galinta ka kale, mid waliba dhagaysanayo waxa uu dalbanayo ka kale kuna aqbalayo kalgacal iyo waji furnaan.

Waxa ugu wayn ee loo guursadaa waa is dhamaystir, ninku waa in uu aaminaa in ay gabadhani dhamaystirayso, gabadhuna waa in ay aqoonsanaataa in ninkani dhamaystirayo. Waxyaabaha kale ee soo raacaa waa in qofkii tarmo, ku dago, masuuliyad dareemo iyo waxyaabo kale oo qof iyo darenkii ah.

Arragtida aynu ka haysano soomaali ahaan ayaa ah in raggu u haystaan guurka nolol aan cuslayn, waxa ay u haystaan guurka in uu yahay meeshii uu ragganimadiisa ku muujin lahaa, meeshii uu alle ka-sakow lahaa amarkeeda, meeshii uu samayn lahaa idil waxa uu doono, meeshii si aan wax hor istaaga lahayn amaradiisu u shaqayn lahaayeen, uma arragno ooryeheena in ay yihiin qayb inaga mid ah talo iyo tusmoba balse waxaynu u haysanaa lahaystayaal gacanteena ku jira marka aynu doonno na aynu sii dayn karno. Aalaaba dumarkeenu waxa ay ka aamin sanyihiin guurka in ay dhaafaan gurigii waalidkooda. Waxa ceeb ahayd in ay inantu guunawdo taasi oo ku kallifi jirtay in ay nin uun iska raacdo amaba lagu ladho. Gabadhu waxa ay aad ugu hanqal taagi jirtay in ay hooyo noqoto ubadna dhasho taasi oo agteeda miisaan wayn ku leh ahna dareen ay kaga duwan yihiin ragga.  Mar kale waxa la odhan karaa waxa ay u guursadaan si ay hanti uga helaan amaba gacantooda xoolo u soo geli lahaayeen nooca ay doonaan ha ahaadaan e.  Balse waxa saarnaa culayska guriga ee aan lala qabin taasi oo kallifi jirtay in ay ku jeedaan guriga iyo hawlihiisa uun.

Marka aynu dheehano sooyaalkii soomalida dhaqankoodu waxa uu ahaa mid ku dhisan kaknaan iyo qalafsanaan, si gaar ah ragga oo la isku liidi jiray jil-jilayca iyo naxariista, dhaqankaasi waxa uu noqday mid la fal gala nolosha qoysnimo, saamayn wayna ku leh, ninkana ku dhaliya in aanuu marnaba u dabacsanaan ooridiisa, qarsado dareen uu qabo oo kalgacal ah si aan loo odhan gabadhiisa ayaa u talisa halkaana aanay kaga dhagin wax u dhigan fadeexad oo ragga dhexdiisa lagu sheekaysto, sidoo kale aanuu sheegan karin dareenka uu u qaado gashaantida asaagii ah ee uu damac ka galo, waxa ayna ahayd wax laga maago in uu ninku afkiisa soo mariyo  jecayl.

Ad-adayga soomaalidii hore waxa tusaale kuugu filan marka aad eegto noocyadii guurka ee soomalida ka ugu sharafta badnaa loona arki jiray in uu yahay guur ka ugu qiimaha badan waxa uu ahaa guurka loo yaqaan Dhabar-garaaca.

Dhabar-garaacu ma uu ahayn guur la xeeriyo doonista inanta balse sida magacaba kaaga muuqata waxa uu ahaa mid lagu qasbi jiray inantu in ay nin raacdo iyada oo waliba loogu darayo xanuujin iyo dhangadayn, ka dib marka lala tago aagii ninka soo dhacayna iyada oo aan waxba laga waydiin loo meherin jiray loona dhisi jiray ninkaa lana ilaalin jiray ilaa inta ay dan isaga ogolaanayso. Waxa uu ka dhignaa wakhtigaa guurka ugu sharafta badan balse waxan qabaa in uu ahaa guurka ugu dadnimo liitay waayo lama xeerin jirin qofkan dhan ee Eebbe uumay dareenkiisa iyo doonistiisa.

Nolosha qoysnimo ee sidaa u adkayd ayaa u soo gudubtay facan danbe kana dhigtay mid aan wax badan iska badalin, malahayga waxaabay ku qotanta maahmaahdii ahayd “Waano dhalanbaa ka wayn” oo waa wax inagu talaalan.

Ragga soomaaliyeed waa kuwo aan ilaa hadda fahmin amaba khalad fahmay xadiiska nabiga (NNKH) ee ah ((النساء شقائق الرجال)) tilmaamayana in ay haweenku la siman yihiin amaba u dhigmaan ragga wixii uu Eebbe ka soo reebay mooyaan e, sida dhaxalkii iyo markhaatigii. Waxa ayna u arkaan in ay mar walba ooridiisu ka hoosayso kana liidato. Ragga soomaaliyeed waa kuwo liidnimo u arka in ay u adeegaan xaasaskooda lana qabtaan hawlaha guriga, xitaa haddii loo adeegona aan hadal ka hadhayn. Ragga soomaaliyeed waa kuwo aan xaasaskooda u arrag in ay yihiin garabkoodii balse u arka adoomo oo kale, kuna ad-adag dhan walba, hawl walbana saara madaxooda. Ragga soomaliyeed waa kuwo u arka masuuliyada kaliya ee saaran in ay tahay biilka ama waxa maalintaa la cunayo. Ragga soomaliyeed waa kuwo ku ad-adag ooryohooda, badankana aan kala tashan danta qoyska iyo reerka isla jeerkaana doonaya in loo dabacsanaado, la sabaaro sidii dhalaanka isla markaana ay ogaadaan lana socdaan far kasta oo ay gabadhiisu qaadayso. Ragga soomaliyeed si gaar ah dhallinyarada wakhtigani waa kuwo u wanaagsan u dabacsan, jacayl muujiya una naxariis badan hablaha wakhtiga haasaawaha balse aqal galka ka dib waxaas badankoodu noqdaan biyo col dhaanshay lana waayo xitaa hadaladii naxariista lahaa, way wanaagsantahay in marwalba naxariis iyo dabacsanaan lagaa helo balse malahayga waxay ku haboontahay aqalkaaga.

“… Rarka iyo heeryada jacaylka.

Reerkaagaa lala sugaaye.

Rugaha boodhka leh ka dhawro…”

Hal-abuur: Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Si guud ragga oo idil Eebbe waxa uu u baneeyay in ay afar xaas wada qabi karaan balse Eebbe waxa uu yidhi:  ((وَلَن تَسْتَطِيعُوا أَن تَعْدِلُوا بَيْنَ النِّسَاءِ وَلَوْ حَرَصْتُمْ)). Waxa aanay tilmaamaysaa in aan laga simi karin dareenka qalbiga ama kalgacalka iyo shahwada oo uu Eebbe gacanta ku hayo, balse ragga soomaliyeed badanka xitaa kama simaan waxa ay gacanta ugu hayaan ee hadba midda cusub ayay u janjeedhsamaan.

Gunaanadkii, qof waliba marka uu heer ka gudbayo ee heer kale u gudbayo waxa uu jecelyahay in aanuu heerkan uu u gudbayaa ka liidan heerkiisii hore, marka aad kalinimada ka gudbayso ee u gudbayso nolol wadaag ahna waa sidaa si lamid ah, gurigaagu waa janadaadii,  waxad ogaataa in aanay nolosha qoysnimo waxba ku lahayn ad-adayg, isku day in aad fahanto guurka intaanad guursan, ogow oo xaaskaagu hadba sida aad ula dhaqanto ayay kuula dhaqmi.

Hab dhaqanka saygaagu/ooridaadu waa fal celintii ficilkaaga uun.

 

Afeef: ragga soomaaliyeed ugama jeedo ragga soomaliyeed oo idil dadkuna waa faraha oo kale mana sinna.

W/Q: Khaalid Maxamed Cabdi.

Hargeysa- Soomaalilaan.

Email: khaalid.mc@gmail.com

Facebook: Khaalid Maxamed Cabdi.

Comments are closed